Waraysi Muxiyadiin Cabdulqaadir Oo Aan Ka Waraysanay Abaaraha Baadiyaha Jariibban Isagoo Baadiyah Ku Sugan Hadda

Filed under: Important News,Wararka |

jariiban-baadiye

Ibrahin Gablax Ayaa waraysi la yeeshay goor dhaway Muxiyadiin Cabdulqaadir oo ku sugan baadiyaha Jariiban xili ay abaar kulul ka jirto Baadiyaha Jariiban iyo dhammaan deegaanada Soomaalida.

Muxiyadiin ayaan ka waraystay bal in uu faahfaahin naga siiyo xaaladda uu ku sugan yahay, iyo mudada uu neefka arigaa noolaan karo biyo la aan.
Muxiyadiin oo saacadaan ku jira geedi ama hayaan ayaa sheegay in ay muddo laba bilooda xoolugu ku noolaayeen biyaha laga keeno ceelasha riiggaa isla markaasna ay biyhii Barkadaha iyo kuwii ceelasha aan Riiga lahayn ay xili hore gureen.

hadda biyaha aan cabnaa waa biyo ay booyado noo keenaan halkii Booyad ee qaadda illaa 35 fuusto waxaa nala ka siiyaa 200 oo dolar.

Muxiyadiin ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo biyo la’aan awgeed u cayroobay.
Muxiyadiin ayaa sheegay in xoolihiisii ay qaar badani abaarta awgeed u le’deen
Muxiyadiin ayaa sheegay in ay abaar ba’ani ka jirto dhulka xeebta ku teedsan.

Hadaba hoos ka dhegeyso waraysiga

2 Responses to Waraysi Muxiyadiin Cabdulqaadir Oo Aan Ka Waraysanay Abaaraha Baadiyaha Jariibban Isagoo Baadiyah Ku Sugan Hadda

  1. Pingback: Waraysi Muxiyadiin Cabdulqaadir Oo Aan Ka Waraysanay Abaaraha Baadiyaha Jariibban Isagoo Baadiyah Ku Sugan Hadda - Daily Somalia Report