Warbixin dagaalada u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland ee ka socda Ceegaag, Horufadhi, Qorilugud (maapka deeganadaas iyo warbixin kooban)

Filed under: Wararka |

Waxaa maalmahaan socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid gacan ka hadal oo u dhaxeeyay Maamaulada Khaatumo iyo Soomaaliland.

Qulquladahaas ayaa saamayn aad u wayn ku yeesha shacabka Xoolo dhaqatadaa ee Deegaanadaas degan.

Hadaba shabakadda Puntlandobserver ayaa marka hore idiin soo bandhigaysa meesha ay ku yaalaan deeganada Qulquladuhu ka socdaan iyo sida beeluhu u kala degaan.

Mapka Cayn

Hadaba sida maapka kore aan ku cadaynay waxaa maalmihii dhawayd ay dagaalo kulul ku dhexmareeb deegaanka Horufadhi maamulada Khaatumo iyo Soomaaliland oo hadana aad moodid in uu dagaalkii qaab beeleed isku rogay.
Horufadhi iyo Ceegaag waxaa dega beesha wacays aadan ee Dhulbahante
Halka Degmada oog ay wada degto Beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante iyo Habarjeclo.

Dhanka kalena
Degmada Caynaba waxaa dega beesha Habarjeclo
Qorilugad waxaa dega Beesha Habarjeclo.

Deegaanada Qurilugud iyo Caynaba ayaa waagii hore waxaa degi jiray Beesha Dhulbahante, balse Ingiriiska ayaa xarun ka dhigtay Ceel wayn oo Caynaba ku yiilay kadibna ku wareejiyay Beesha Isaaq, maadaama uu dagaal ka dhexeeyay Ingiriiska iyo beesha Dhulbahante oo aad u taageeri jirtay Xornimo u dirirkii Sayid Maxamed Cabdulla Xassan.

Hadaba si aad si fiican deegaanada meelaha ay ku yaalaan aad u fahantaan ayaan idiin soo sawirnay.

Hoos ka eeg wararkii qulquladaha ka socda deegaanka.