Warbixin Dhameystiran Dadkii Lagu Xasuuqay Jaamac Dubad ee Ka tirsan Degmada Gaashaamo ee DDSI Sidee Buu U Dhacay Xasuuqaas

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa lagu laayay shacab maata ah Tuulada Jaamac Dubad ee ka tirsan degmada Gaashaamo ee ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee loosoo gaabsho ddsi.

Hadaba warbaahinta coldoon ayaa waraysatay gabadh hooyadeed iyo walaasheed ay ka mid ahaayeen 21 qof oo tuuladaas lagu xasuuqay.
Gabadha hooyadeed iyo walaasheed la dilay oo markaas ku sugnayd magaalada burco ayaa isla galabkiiba soo aaday tuulada dubad, waxayna soo gaadhay tuuladaas subaxnimadii dambe.

Sidee buu u dhacay xasuuqu.
Sida ay gabadhu sheegtay waxaa ay fidnadu ka billaabatay niman qaadoolayaala oo baabuurtooda ay jiiteen ciidamada Lew Booliska iyo kuwa federaalka ethiopia kadibna ay qaadoolayaashii is yiraahdeen soo furta baabuurtii oo ay xabad ku fureen ciidamadii itoobiyaanka ee baabuurta jiitay ee isugu jiray kuwa soomaalida ee lew booliska iyo kuwa federaalka itoobiya.

Waxaana dhacday in ciidamada shacabka ku xasuuqay tuulada dubad ay raadinayeen qaadolayaashii oo la ogaaday in ay usoo baxsadeen dhanka tuulada dubad isla markaasna aynan shacabka tuulada dubad qariyeen qaadoolayaashii.

Ma ahan tuulada dubad ee qura meesha kaliya ee ddsi shacab maatiya lagu xasuuqo ee waa dhaqan ay leeyihiniin ciidamada lew booliska marka ay meel kaga shakiyaan maleeshiyaad baxsada oo ay raadinayaan haddii ay dadka deegaanka gabaad siiyaan waxay ku sameeyaan xasuuq wadareed dadka deegaanka, waana qaab ay adeegsadaan marka ay raadinayaan ciidamada onlf ama kuwa shabaab ee ay daba joogaan.

Waxaana ay gabadhu xaqiijisay in uu ciidamada lew booliska la socday Gudoomiyaha Gaashaamo oo kasoo jeeda beesha Gaashaamo, waxay kaloo gabadhu xaqiijisay in ay ciidamada federaalka itoobiya oo waliba aan soomaali ahayn ay goobta joogeen

Hadaba si aad u dhagaysato waraysiga oo dhamaystiran hoos ka daawo.


Mana