Warbixin Hay’adda (FAO):Dekadda Berbera Oo Ay Ka Dhoofaan Xoolaha Ay Qowmiyadda Soomaalida Dibadda U Iibgeeyaan 68% (In 2014, Berbera port exported 3.4 out of the 5 million heads of livestock exported from Somalia)

Filed under: Important News,Wararka |

 

Saudi arabia Somalia

Warbixinta Hay’adda cunada aduunka ee FOA ayaa lagu sheegay in sanadkii 2014 ay Soomaaliya dalalka carabta u iibgaysay 5,3 million neef oo isugu jra Ari, Ido, Lo iyo Geel.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 3,4 million neef oo kamida 5 million ee naaf ee ay qowmiyadda Soomaalida caalamka u iibgayso ay ka dhoofeen dekadda Berbera.

Sida sawirka kore ku cad dekadda Berbera ayaa masaafo ahaan u jirta Jidah/Saudi Arabia 1600km halka ay Bera Bera iyo Muqdisho isku jiraan 1400 km.

Dekaddda Boosaaso ayaynan Maraakiib waawayn kusoo xiran karrin, wixii sacuudiga loo fhoofinayana waxaa ku leh Berbera masaafo ahaan, taasi oo dekadda Berbera u suuragallisay in aynan cidna kula tartami karrin wixii sacuudiga loo iibgaynayo.

Waxaa xooggaa tartan kula jirta dekadda Jabuuti, ayaa ah dalkale oo aan kamid ahayd DFS.

DFS ayaa waxay Berbera u aqoosantahay goob kamida dhulka ay DFS kataliso, taasi oo jaanis fiican u siinaysa dekadda berbera in aan laga cuna qabatayn xoolaha ka dhoofaya ama aan canshuur dheeriya lagu soo rogin marka ay Soomaaliya qaybaheeda kale xooluhu uga imaanayaan, ama wixii Bera Bera kasoo dega in aan canshuur dheeriya la saarikarrin oo ka gadisan dekedaha kale ee Soomaalida.

-Soomaaliya ayaa dhaqaalaheedu wuxuu ku xiranyahay xoolaha.

-Dawlad gobaleedyada iyo dfs ayaa dakhliga miisaaniyadda ee dawladdu ku shaqayso waxay ka hellaan dekadaha 90%.

Halkaan ka eeg wasiir Bayle oo Sheegay in DFS dekadda muqdisho ka hesho bilkasta 9 million$

Isku soo duub markii ay dawlad gobaleedyada hadda Soomaaliya ka jira ayaa dhaqaalaha ay ku shaqeeyaan waxay ka hellaan dekadaha, hase yeeshee dekadda Berbera waxayba heshaa 70%, wixii ay Soomaali xoolo soo baxnaaniyeen.

Hoos ka eeg warbixinta FOA.

In 2014, Berbera port exported 3.4 out of the 5 million heads of livestock exported from Somalia

In 2014, Berbera port exported 3.4 out of the 5 million heads of livestock exported from Somalia