Warbixin Hoose Nimankii Dilay Mahdi Garwayne Iyo Wiilkii Kale Oo Haybtooda La Aqoonsaday

Filed under: Wararka |

Habeen hore abaarihii 10:kii fiidnimo ayay maleeshiyo shufto ah waxay wadada u galleen laba wiil oo watay baabuur caasiya, oo markaas maraya meel u dhaxaysa Cagaaran iyo Gaalkacyo.

Labada wiil ayaa kala ahaa Mahdi Garwayne iyo wiil isna kasoo jeeda beesha Jareer Wayne oo aannu hellin magaciisa.

Wiilashan ayaa doonayay in ay badeeco kasoo qaadaan subaxa hore magaalada Cagaaran oo aan sidaas Gaalkacyo uga fogayn.

Nimanka Shuftada ah ayaa kayimid dhanka Galmudug.

Nimankan oo kasoo jeeda beel kamida beelaha Sacad/reer Jalaf ee Galmudug ayaa la sheegayaa in ay daba socdeen aano qabiil, oo ku aadan nin kasoo jeeda beesha Carab Saalax oo ay sheeganayaan in uu nin ka dilay.

Hadaba dad badan baa is waydiinayaa sababta ay beesha ┬áSacad/Reer Jalaf ay safarka intaa le’eg inta usoo galleen halkaas ay wiilal yar yar oo aynan xitaa haybtooda garanayn ugu dilayaan in ay tahay fidna abuur ay fidno u abuurayaan isla walaalahood Sacad gaar ahaan beesha reer Nimcaale oo dhanka Puntland soo xiga iyo waliba reer guuraa farabadan oo beesha Habar-Gidira oo aan hawlahaan la socon.

Sida aan wararka ku helayno beesha Sacad ayaa wacad ku martay in ay soo qaban doonnaan dhagar qabayaashii isla markaana isla xalayna qaraabadii ay wiilashu ka geeriyoodeen lasoo hadlay oo u sheegay nimanka ficilkaas waxashnimadaa gaystay in ay kasoo jeedaan beesha reer Jalaf.

Dhanka kale markii nimanka waxdillay raadkoodii la raacay ayuu galay dhanka Galmudug.

 

Baryahaan danbe Gobalka Mudug waxaa ka jira in ay beeluhu iska soo qabtaan gacan ku dhiiglaha fidnada sameeyay si aynan fidnadiisu u galaafan boqolaal qof oo aan fidnadaas shuqul ku lahayn.

Lasoco wixii warara ee soo kordha.

3 Responses to Warbixin Hoose Nimankii Dilay Mahdi Garwayne Iyo Wiilkii Kale Oo Haybtooda La Aqoonsaday

  1. Pingback: Kooxihi Galmudug Kayimid Ee Aanada Qabiil U Dilay Mahad Garwayne Iyo Wiilkii kale Maxaa Lagu Tilmaami Karaa (Waxaa Lagu Timaami Karaa Jaahwareerka Iyo Xigmadda Soomaalida Maanta Qormo Gaaban) | Puntland Observer

  2. Anigu wax badan Ayan ka hadlay arimahan Dadka Sacad layirahdo hadey soqabtan Dadka dhibatada Geystay oo wilasha Dhalinyarada ah oo muruq malka ah sida xaqdarada ah ku Dilay, Qofkasta oo mandaqada ku nool waxuu Qiraya in dadka sacad aay ka dhabtahay nabadonimo & Daris wanag,hadise lakeni wayo waxa muqata Sacad ama reer Jalaf in aay yihin fidmo jogto ah wax danbe oo lagu amini karo uusan jirin,Dadka Degan Waqoyiga mudug waxii ubanan ayaga aya yaqan.

    mohamed sulub
    July 15, 2017 at 9:44 am
    Reply

  3. Hawiye bin hutu bin mooryaan bin danyeer bin dameer.

    Waa in magaalada Gaalkacyo laga saara mooryaanya Hyutu bin hawiye bin mooryaan bin dameer. Madaxweyne Gaas jileeciisa marka arkeen mooryaanta ayaa Gaalkacyo dadkiis.laynayaan. waa in weerar lagu qaado galnus.

    Cabdullahi Ciise
    July 15, 2017 at 9:31 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *