Warbixin Hoose Nimankii Dilay Mahdi Garwayne Iyo Wiilkii Kale Oo Haybtooda La Aqoonsaday

Filed under: Wararka |

Habeen hore abaarihii 10:kii fiidnimo ayay maleeshiyo shufto ah waxay wadada u galleen laba wiil oo watay baabuur caasiya, oo markaas maraya meel u dhaxaysa Cagaaran iyo Gaalkacyo.

Labada wiil ayaa kala ahaa Mahdi Garwayne iyo wiil isna kasoo jeeda beesha Jareer Wayne oo aannu hellin magaciisa.

Wiilashan ayaa doonayay in ay badeeco kasoo qaadaan subaxa hore magaalada Cagaaran oo aan sidaas Gaalkacyo uga fogayn.

Nimanka Shuftada ah ayaa kayimid dhanka Galmudug.

Nimankan oo kasoo jeeda beel kamida beelaha Sacad/reer Jalaf ee Galmudug ayaa la sheegayaa in ay daba socdeen aano qabiil, oo ku aadan nin kasoo jeeda beesha Carab Saalax oo ay sheeganayaan in uu nin ka dilay.

Hadaba dad badan baa is waydiinayaa sababta ay beesha  Sacad/Reer Jalaf ay safarka intaa le’eg inta usoo galleen halkaas ay wiilal yar yar oo aynan xitaa haybtooda garanayn ugu dilayaan in ay tahay fidna abuur ay fidno u abuurayaan isla walaalahood Sacad gaar ahaan beesha reer Nimcaale oo dhanka Puntland soo xiga iyo waliba reer guuraa farabadan oo beesha Habar-Gidira oo aan hawlahaan la socon.

Sida aan wararka ku helayno beesha Sacad ayaa wacad ku martay in ay soo qaban doonnaan dhagar qabayaashii isla markaana isla xalayna qaraabadii ay wiilashu ka geeriyoodeen lasoo hadlay oo u sheegay nimanka ficilkaas waxashnimadaa gaystay in ay kasoo jeedaan beesha reer Jalaf.

Dhanka kale markii nimanka waxdillay raadkoodii la raacay ayuu galay dhanka Galmudug.

 

Baryahaan danbe Gobalka Mudug waxaa ka jira in ay beeluhu iska soo qabtaan gacan ku dhiiglaha fidnada sameeyay si aynan fidnadiisu u galaafan boqolaal qof oo aan fidnadaas shuqul ku lahayn.

Lasoco wixii warara ee soo kordha.