Warbixin Iyo Fallanqayn Hanaanka Xisbiyada badan ee Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Gudiga ku meelgaarkaa ee doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in xiligii loo kordhiyay furashada ururada siyaasadda ee danaynaya in ay furtaan xisbiyo siyaasadeed.
gidiga doorashada ku meelgaar
Gudiga ayaa sheegay in ay waqtiga u kordhiyeen illaa 31.1.2018

Waxay kaloo sheegeen khidmadda furashada urur siyaasaded lacag gaaraysa 10 kun$, oo awal horay u ahayd 20 kun$.

Hadaba marka aduunka kale la barbardhigo, waxaad mooddaa in aynanba aqoon u lahayn hanaanka ay u shaqeeyaan dalalka u guuray siyaasadda baahsan.

1) iyadoon shacbka la tirakoobin ama la diinwaangallin horta xisbi xaggee ka shaqaynayaa???.
2) muxuu hadda xisbi soo kordhinayaa haddaan doorashada soo socota lagu gallayn hanaanka asxaabta badan, maa loo daayo xukuumadda soo socota, xukuumadda hadda joogtana awoodda isugu gayso tirakoobid iyo diinwaangallin.
3) Waxaa kaloo wax laga xumaado ah, in hanaanka siyaasadda ee Puntland uu noqdo wax mashaariic beesha caalamka looga dalbado, waa in arrinkaas aad looga hortago oo arrimaha masiirigaa aan mashaariic lagu dalban.