Warbixin Jasiiradda Seychelles Ei Kismaayo Dusheeda Ku Taal Waxay Ku Baraartay Kalluunka Soomaaliya Waxayna Ruqsado Kaluumasyi Siisaa Boqolaal Maraakiibta Kaluunka ee Dalalka Spain, France, Taiwan, Japan, Korea(Fallanqayn kooban iyo Dhalinyaro ku xiran hadda Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Sycheles
Jasiiradan yar ee Maapka kore ku cad, waxay ku beegantahay Kismaayo waxaana loo faarujiyay ka kalluumaysiga badda Soomaaliya markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Somalia.

Wixii 1990 ka horeeyay dhaqaalaha Seychelles wuxuu ku xirnaa dalxiiska laakiin markii dagaalkii sokeeye ee Somalia dhacay dhaqaalaha Seychelles wuxuu ku xirmay 80% kaluunka tuunaha, waana iska cadahay in ay sabab u yahay burburkii qabyaaladaysnaa ee Somaliya.

Hadda Seychelles waxaa ku yaal warshadda aduunka ugu wayn ee qasacaysa kaluunka tuunaha, halka albaabada loolaabay warshadihii laasqoray iyo qandala.
Xogtaas halkaan ka daalaco The Seychelles hosts the largest tuna canning factory in the world

Xog in seyheles 1992 ay halmar bixisay 300 oo ruqsado kaluumaysi ee doomo laga leeyahay Taiwan iyo Korea halkaan ka akhri, doomahan ayaa kaluunka ay soo qabtaan u keena maraakiib ay leeyihiin kambaniyo waawayn oo aduunkoo dhan ka ganacsada balse xaruntoodu ay tahay seychelles.

Hadaba daawo dhalinyaro 7 sano ku xiran xabsi ku yaal seychelles oo burcad badeednimo lagu haysto markii ay waalindiintood odayaashii Soomaaliyeed dayaceen oo qoriga isugu dhiibeen aakhirkiina naf badeen burcad badeednimo maadaama aan loo diyaarin in ay si xirfadaysan badooda uga shaqaystaan ee laga dhaadhiciyay reer hebel baad tihiin ee reer hebel xaqiinii kasoo dhacsada