Warbixin Maap Wadata; Magaalooyinka Isaaq Iyo Dhulbahante Xuduudaha Ka Leeyihiin oo Inta Badan Dhulbahante Deganaan-Jirray Balse Gumaystihii Ka Shaqeeyay In Beel Beel Deegaan Looga Qaado Si aan Loo Heshiin

Filed under: Important News,Wararka |

magaalooyinka xuduudda isaaq dhulbahante

Gumaystuhu aaladda uu isticmaali jirray waxaa ka mid ahayd in si beelaha madaxa la isugu galliyo, waa in la abuuro dulmi oo matallan laba beellood oo walaalo ah midkood uu midka kale dulmiyo.

Waxaana ay Soomaalidu ku maahmaahaan 20 jir Habarjeclo ah iyo 40 jir Dhulbahante ah magaalada Caynaba kuma heshiiyaan.
Waayo magaalada Caynaba waxaa deganaan jirray beesha Dhulbahante, balse beesha dhulbahante oo xilligaas lajirtay Sayidka oo ingiriis la dagaalamaya, ayuu dagaal xumi dhexmaray Beesha Dhulbahante oo Sayidka difaacaysa, iyo Gumaystihii Ingiriis, waxaana dhacday in Ingiriisku soo dagay Caynaba oo xarun Boolis ka sameeyay, waxaana dhacday in Dhulbahante aaggaas ka qaxo, isla markaana la dajiyo beesha Habarjeclo oo illaa maanta degan.

Dhanka kale beesha Isaaq ayaa hadda degan magaalada Oog oo caynaba dhanka koonfureed illaa 20 km ka xigta, halka uu dhulbahante ku suganyahay magaalo ahaan dhanka laamiga magaalada Yaqoori ee ay degaan jifida Jaamac Siyaad.

Yagoori iyo Oog ayaa isku jira illaa 54 km
Dhanka Bari ayay dhulbahanye sheegtaan in ay deganaan jirreen magaalada Garadag oo sababta Garadag lowgu baxshay ay ahayd qiso uu sameeyay nin kibir badan oo dhulbahante ah, oo markaas nin Habar jeclo ah gabadh loo doonay oo dhulbahante ahayd, oo uu Geel badan kala baxay, uu arkay ninkii kibirka badnaa ee dhulbahante gabadha ninka Habarjeclo loo doonanay oo aroosa, geel badana laga qaatay ninka Habarjeclo, balse uu ninkaas kibirka badani yiri gabadha anigaa guursaday ninkaasna ama waan dili ama ha iska dhaqaajiyo, dadka qaarna ay yiraahdaan wuxuu yiri ninka iyo gabadhaba anaa guursday, qisadii dhab uma xasuusto laakiin waxay noqotay qiso garteedii adkayd oo geedka caankaa ee kuyaal Garadaga ayaa gartaas lagu xallin waayay waana sababta magaaladaas Garadag lowgu baxshay, waxayna cadaynaysaa in ay magaaladaas dhulbahante deganaayeen sida uu ninkaas u kibirsanaa, warbixinta Garaadag hoos ka daawo iyo midda Caynababa. .
Dhanka kalena magaalada Dararwayne ayaa iyana waxay ka mid tahay deegaanada uu dhulbahante sheegto balse xili aan fogayn ay beelaha Habaryoonis iyo Habarjeclo soo dageen oo magaaleeyeen.
Fiqi Fuliye, Xudun iyo Horufadhi waxaa dega dhulbahante, halka Qurilugud ay beesha Habarjeclo degto
Waxaanad waxoo dhan ka daalacankartaa Maapka.

Ujeedka qoraalkan.
Gumaystuhu wuxuu dhigay qorshe lowgu talagallay in Soomaali la isku maro oo cuqdad la dhexdhigo iyo in ay dhul isku hayaan oo qoloba qolokale dhul xoog uga qabsato.

Hase yeeshee haddii ay Soomaali heshiiso 60 km oo la isaga durkay oo isla dad wiil iyo abti isku ah ay isaga durkeen ma ahan wax xal loo waynayo, aad bayna u fududahay, oo ama waa la is cafin, ama deegaanada ayaa qaar la isugudarayaa oo maamul u gooniya loo wada smaaynayaa si meesha cuqdad iyo wax noocaasa looga saaro.

Wixii aan qaladnay raali gallin
Taariikhda Caynaba

Qisada Garadaga

Hoos ka daawo Taliyaha Ciidamada Somaliland oo magaalooyinkaas iyo ciidamadiisu sida ay ku gaarreen ka sheekaynaya.

One Response to Warbixin Maap Wadata; Magaalooyinka Isaaq Iyo Dhulbahante Xuduudaha Ka Leeyihiin oo Inta Badan Dhulbahante Deganaan-Jirray Balse Gumaystihii Ka Shaqeeyay In Beel Beel Deegaan Looga Qaado Si aan Loo Heshiin

  1. Dhulka Harti ayaa laga qaaday!
    Maamulkii gumaystahaba ha loo soo maree!

    -Waana markii ugu horaysay ee beesha dhexe hungurayeyso
    Garoowe!

    Wixii tegey rage e’
    Sidee Maamulka Puntland inta hadhsan u illaashanaa inagoo cidna ka ogolaanayn inlayna dulmiyo cidna dulminayn!

    Arinkuna maanta waa
    “War habar habar hagurine Harti Adag Ma leedahay”

    Yuusuf
    February 4, 2018 at 11:27 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *