Warbixin Maapka North Korea

Filed under: Important News,Wararka |

Hal sawir ayaa ka qiima badan 1000 eray.
North Korea hal maallin Maraykanka iskama dhiciseen, oo waxaa ku fillaan lahayd cunaqabatayn lasaaro, laakiin North korea waa ilma yar oo ay dhalleen China iyo Russia oo ay waardiyaystaan, waxaana kaaga sii darran mucjisada North Korea waxay xuduud la wadaagtaa labada dal ee China iyo Russia.

Dhankaas haddaad ka eegtid, waxaa habboon in aan wax waqtiya la isaga dhummin dhaqdhaqaaqa North korea iyo Maraykanka, sababtoo ah Maraykan iyo China isma dagaalayaan oo dantooda waa yaqaanaan oo hadday is dagaalaan waxaa la isla dhacayaa Nukliyeer.

Marka sheekada North Korea waa iska hadal beennaad dadka lagu wareersho, aakhirkana wada hadal bay ku idlaanaysaa iyo is dhunkasho, waayo marka lakala baqo waa la is ixtiraamaa, haddaad arragto dagaal waa marka qolo ay is leedahay qolada kale waad ka awood badantihiin ee maquunsha.
North Koraa Map