Warbixin Magaalada Muqdisho iyo Hargaysa Kee wayn (Cadaymo iyo maap daawo adaa yaabi)

Filed under: Important News,Taqwada,Wararka |

Kadib markii aduunka horumar laga gaaray oo waxwalba maanta adoo dunida meesha u danbaysa joogga ayaad arki kartaa gurigaaga oo waliba aad cabiri kartaa gurigaaga inta kilomitir oo laba jibaaran ama squure uu yahay,

Hadaba kadib markii aan Google Earth ka cabirnay dhererka iyo ballaca magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa ayaan helnay warbixinta hoose.
Muqdisho inta ay saraha ka dhisanyanyihiin celcelis dhanka dhererka waa 16 km, dhanka balacana waa 6 km, oo ka dhigan 96km square.

Halka ay Hargaysana ka tahay 10 kilomitir dherer, iyo 7 km ballac celcelis. 70 km squere, halka ay muqdisho ka ahayd 96 km squere, farqiga u dhexeeya waa 26 km squere inkastoo ay jiraan xaafado farabadan oo muqdisha ku yaal oo aan la deganayn.

Mugadisho dhere 15 km,
Mugadisho ballac 6 km
Dhanka Muqdisho ayaa waxaa jira xaafado tira badan oo dagaaladii sokeeye la burburiyay oo aan la deganayn, balse hargaysa ayaa aad loo deganyahay, waxaana jira guryo farabadan oo muqdisho ku yaal oo u xiran dadkii iska lahaa oo isaga qaxay ama aan dayac tiran.

Hoos ka daawo maapapka hargeysa
Hargeysa dherer 10 kilomitir

Hargeysa ballac 7 kilomitir

Hoos ka dhegasyo warbixinta ay Voa ka diyaarisay magaalada muqdisho.

Isku so duub magaala muqdisho ayaa hadda waxaa kusoo dhow magaalooyin fara badan haddii si cadaaladda wax loo qaybinayana oo aqalka sare kuraas dheeriya magaalooyinka lagu siinayo waa in magaalo kasta kuraas dheeriya lagu siiyo

One Response to Warbixin Magaalada Muqdisho iyo Hargaysa Kee wayn (Cadaymo iyo maap daawo adaa yaabi)

  1. Pingback: Warbixin Magaalada Muqdisho iyo Hargaysa Kee wayn (Cadaymo iyo maap daawo adaa yaabi) - Daily Somalia Report