warbixin Mashruuca JPLG, iyo Degmooyinka Khaatumo iyo Maakhir oo aan laga qaybgalin

Filed under: Important News,Wararka |

Mashruuca UN Joint Program on Local Governance loo soo gaabsho JPLG ayaa waxaa wada fulinaya wadama dhawra iyagoo hoos imanaya Un-ka
Mashruuca ayaa intiisa badan waxaa ka faa iidaystay maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana aan mashruuca ka muuqan deegaanada Maakhir iyo Khaatumo, sababtaas oo loo badaniyo isku qabsi ay isku qabsadeen labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland oo qolo walbaa ay doonayso in iyaga lasoo marsiiyo mashaariicda deegaandaaas taas oo ka dhigtay deegaano muran ku jira oo aan mashaariic laga falinkarin.

Hoos waxaad ka eegtaa warbixinta degmooyinka mashruuca ka faa-iidaystay, iyo warbixin degmokasta 2013
http://jplg.org/docs.aspx

Ethiopia ayaa lagu casumay 7 Degmo oo dhanka Puntland ah oo mshruuca kasoo qaybqaatay, iyo sidoo kale qaar ka imanaya Somaliland.

Degmooyinka Puntland ayaa kala ah Garowe, Gaalkacyo, Bosaso, Qardho, Eyl, Jariiban, iyo Bayla iyo sidoo kale saraakiil ka socda wasaaraddaha Puntland ee wada shaqaynta dhow la leh barnaamijka horumarinta degmooynka JPLG.