Warbixin Miisaaniyadaha Maamulada Soomaaliya Ka Jira oo Dhan 2017, Somaliland 363 million$, DFS 270 million$, Puntland 92 million$, Jubbaland 19 million$, Galmudug 7.5 million$, Koonfurgalbeed 6 million$, Hirshabeele 0

Filed under: Important News,Wararka |

Miisaaniyadda 2018 Ee Dowladda federaalka ah:
Golaha shacabka ayaa meel-mariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee 2018-ka taas oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

(B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727

(T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464

Wadarta Guud: US$ 274,630,191

Somaliland:
Somaliland waxaa ay November dooratay madaxweyne cusub, mas’uuliyiin la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in miisaaniayadda cusub ee 2018-ka la filayo in la soo gudbiyo bishan Janaayo.

Liis wasiirro ah uu ku jiro wasiirka maaliyadda ayaa 14-kii bishan la ansixyay, Maxamed Cabdi Yusuf ayaa la doonayaa in uu soo diyaariyo miisaaniyadda cusub ee Somaliland 2018, sanadkii hore waxaa ay miisaaniyadda aheyd illaa $363 Milyan oo dollar, waxaa ay ku yimid koror 27% marka la barbar-dhigo tii 2016, sidaasi ayeyna sanad walba wax loogu darayey $45 Milyan oo dollar ayey aheyd 2010-kii.

Miisaaniyadda ayaa la sheegay in ay ku tiirsan tahay canshuuro laga qaado dekedda Berbera iyo kastamada cashuuraha ee kala geddisan, waxaana ka dhex muuqda miisaaniyadda illaa 16 Milyan oo dollar oo la sheegay inay tahay kaalmo laga filayo beesha caalamka.

Puntland:
Miisaaniayadda Puntland ee 2018 waa $92, 713,364 Malyan. Miisaaniayadda waxaa laga saaray sida la sheegay lacago laga filayey hey’adaha UN-ka.

Maamulka Puntland waa midka ugu dhaw maamul goboleedyada bixinta mushaaraadka, hadana waxaa la sheega inaan loogu dhaqmin sidii ay ahayd aysana si billa ah hay’adaha kala duwan ee Dawlada iyo ciidamadu u helin xaquuqda ugu jirta miisaaniyada sida mushaaraadka iyo gunooyinka. 2017 waxaa ay miisaaniyadda Puntland aheyd 160,560,648 Dollar.

Galmudug:
Maamulka Galmudug oo miisaaniyadda kala hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in miisaaniyadda 2018-ka ay diyaar aheyd balse heshiiskii dhawaan ay galeen Galmudug iyo Ahlu sunna uu keenay in dib loogu laabto, oo la kordhiyo.

Wasaaradda maaliyadda Galmudug waxaa sidoo kale ka hadashay in sanadkan 2017 ay miisaaniyadda aheyd $7.2 Milyan, waxaa ay ku tiirsan tahay Canshuuraha, Kabka laga helo dowladda federaalka ah iyo lacagaha ay ka helaan hey’adaha qaar sida Bangiga adduunka.

Hirshabeelle:
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre oo la hadlay Goobjoog News aya sheegay in maamulka aanu weli yeelan miisaaniyad, isla markaana hadda madaxweyne Waare iyo xukuumadiisa weli laga sugayo.

Koonfur Galbeed:
Maamulka Koonfur Galbeed oo sidoo kale ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaan weli la keenin miisaaniyadiisa cusub 2018-ka, balse sanadkan 2017-ka waxaa ay miisaaniyadda aheyd illaa 6 Milyan oo Dollar.

Jubbalaland:
Dowlad goboleedka Jubbalad, golaha wasiirrada iyo baarlamaankaba waa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018, waa Miisaaniyad ka badan middi sanadkii hore la meel mariyay iyadoo xooga lagu saaray dhismaha iyo Taakulaynta Ciidanka qalabka sida.

Miisaaniyadda sanadkii 2017 waxaa ay aheyd 19 Malyan oo dollar halka 2018 laga dhigay $20,290,000.

Ugu dambeyntii, miisaaniyadahan kala duwan laguma saleeyo baahida gobolka, qaar waxaa jiro aan miisaaniyad laheyn, sidoo kale miisaaniyadda maamul goboleedyada dowladda federaalka ah iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya laguma war-geliyo.

Xigasho: Goobjoog News