Warbixin Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe Farey Oo Ay Dadqalatadii Gaalkacyo Gurigiisa Hortiisa Ku Dilleen

Filed under: Important News,Wararka |

maxamed-farey
Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.
Galabta casarkii ayay Dadqalatadii Gurigiisa hortiisa xaafadda Garsoor Gaalkacyo ku dilleen Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe Farey.
Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe Farey ayaa ahaa ragga ugu firfircoon magaaladda Gaalkacyo qaybta waqooyi
Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe Farey. ayaa beel ahaan kasoo jeeda Cumar Maxamuud/Cabdicise
Bahda warbaahinta P/O ayaa tacsi u diraysa dhammaan reer Gaalkacyo Soomaalida ku nool maadaama uu Nabadoonku ku hawlanaa arrimaha nabadaynta.

Si kastaba ha ahaato dadqalatada ayaa ayaamahan weerarka sii laba jibaaray oo xiisaynaya in ay daadshaan dhiigga dad masaakiina oo aan waxba galabsan gaar ahaan xiliyada ay masaajidka kasoo baxaan.

Dadqalatada ayaa aaminsan in ruux maskiina oo hadda salaaddii soo tukaday marka la dillo jano lagu galayo.