Warbixin Xaqiiqa Muqdisho Oo Ay Habeenkii Alshabaab Ka taliso Canshuurtana Ka Qaataan (Iyo Talo soojeedin in Caasimadda Goob Cusub hadda iyo Kow loo raro oo la dhagax dhigo Caasimadda Mustaqbalka)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Warbixin xaqiiqa oo ka imanaysa magaalada muqdisho ayaa sheegaysa in ay Alshabaab si dadban magaalada Muqdisho uga taliyaan.

Alshabaab ayaa si toosa xiriir ula leh dhammaan ganacsatada magaalada Muqdisho, waxaana ganacsade kasta laga qaadaa lacag canshuura oo u dhiganta hantidiisa.

Ganacsadaha diida canshuurta ayaa loo yeeraa oo lagu ballamiyaa deegaano muqdisho ka baxsan.

Ganacsadihii diida in uu canshuurta dhiibo ayay Alshabaab Habeenkii suuqa bartankiisa dadkoo arkaya ku dilaan .

Dhanka kale Ganacsatada Muqdisho ayaan rabin dawlad dalka ka hana qaada, waxayna si dadban ula shaqeeyaan Alshabaab, oo waxay siiyaan canshuurta.

Habeenkii magaalada waxaa nabad ku joogga dadka aan mucaaradsanayn alshabaab, laakiin qofkii mucaarad ku ah danaha Alshabab habeenkii masoo bixi karo.

Isku soo duub magaalada Muqdisho waxaa ka taliya Alshabaab, halka DFS laga yaqaan kaliya qurbaha.

 

Waxaa kaloo aad u hooseeya in magaalada muqdisho nabad iyo nidaam dawladeed laga hirgaliyo.

Waxaana wanaagsan haddii la doonayo in qaran soomaaliyeed la unko in dhul cidla ah hadda iyo kow laga dhiso Caasimad Soomaaliyeed oo hadda iyo kow dhul cidla ah loo-guuro oo eber laga billaabo, Muqdisho loo daayo caasimadda ugu wayn caasimadaha Ganacsiga sida Istanbuul.

Laakiin magaalo cusub oo magaalo madaxa hadda la dhagax dhigo.

 

Laakiin inta muqdisho waqti la isaga dhuminayo ha sugin qaran Soomaaliyeed.

2 Responses to Warbixin Xaqiiqa Muqdisho Oo Ay Habeenkii Alshabaab Ka taliso Canshuurtana Ka Qaataan (Iyo Talo soojeedin in Caasimadda Goob Cusub hadda iyo Kow loo raro oo la dhagax dhigo Caasimadda Mustaqbalka)