Warbixino la xiriidha Magaalooyinka iyo Degmooyinka ku guulaystay in aan deegaanadooda dad shabaabku ku layn ama ruuxuu qof dila uu iska fakado (akhri)

Filed under: Wararka |

Shabakadda Puntlandobserver ayaa awoodda saaridoonta wiigagga soo socda, Hal-abuurada iyo Khiyaamooyinka ay sameeyaan Gudoomiyayaasha ka taliya Deegaanada Soomaalidaa ee Nabadgalyada la isku halayn karo laga hirgaliyay.
children hands
Hargaysa.
Deegaanada dadka Soomaaliga ku hadla ay degaan ee xorta ah ee aanay Dawlado kale gacanta ku hayn waxaa ugu ammaan wanaagsan magaalada Hargeysa.

Waxaana wanaagsan shacabka Soomaalidaa ee Magaalooyinka kale ku nool in ay kaga daydaan Hal-abuurada iyo Khiyaamooyinka farsamaysan ee ay kaga hortageen kooxaha Shabaab ee Bistooladaha dadka ku laaya iyo xitaa kooxaha kale ee dadka qaab qabyaaladaysan u laaya.

magaalada Hargaysa lagama Kireeyo guri ruux aan Haybtiisa lagaranayn, Ruuxa guri kakireeya ruux soo galootiya waa in uu markiiba la socodsiiyo Booliska.

Ruuxii la ogaado in uu ka kireeyay Guri ruux aan haybtiisa lagaranyan ee lasoo sheego waa dambi qaran.

Dhanka kalena Hoteel lagama kireeyo ruux aan haybtiisa iyo Aqoonsigiisa la garanayn, waana in ruuxa la yaqaan meel lowgu soo hagaago.

Shacabka Magaalada Hargaysa dhamaantood waxay isku ballansadeen in ay illaashadaan Sumacadda magaaladoodda cid kasta oo ay shaki ka qaadaan in ay carqalad u keeni karaan nabad galyada Magaalada waxay ula tagaan gacantooda, hadaynan awoodin waxay markiiba la socodsiiyaan Booliska.

Shacabka reer Hargaysa waa shacab si wanagsan dhanka saxaadadda wacyigalin lowgu sameeyay in ay dhamaantood masuuliyad iska saaraan illaalinta nabadgalyada magaalada.

Shacabka reer hargaysa taasi waxay u soo jiiday horumar aan baaxadiisa lasoo koobi karin, waxayna magaalada ka dhigtay Goobta kaliya ee Ajaanibta cadaankaa ay hodheelkay rabaan kiraysankaraan, saacaday rabaan lugaynkaraan, waxaana magaalada ay taasi usoo jiiday ajaanib farabaddan oo maalgashi iyo shaqooyin ka abuura, iyo in Ganacsigii aad kor ugu kacay maadaama ajaanibtaas magaalada imanaysa ay lacag adag wadanka soo galinyaan.

Saxaafadda matalan Puntland ayaad moodaa in aynan marna wax qadarina siin, in ay shacabka ka wacyigaliyaan muhiimadda shacabka oo si guud uga wada hortaga dhagarqabayasha dhiigga shacabka iyo martida banaystay.

Si looga hortago dhagar qabayaashaas waxay ahayd dawladdu in ay ilgooniya oo dhanka saxaafadda ah kharashaad iyo mashaariic arrinkaas la xiriira iska xilsaarto.

Magaalada Garoowe, ayaa waxaynan ku guulaysan in ay Ajaanibtu Godheelada ay rabaan kiraysan karaaan markay rabaana soconkoraan.

Warar hoose ayaa sheegaya in arrinkaas laba arrin sabab u noqdeen

1) tan koobaad oo la sheegay in uu Faroole xiligii uu Madaxwaynaha ahaa dhistay Hodheelo waawayn isla markaana uu ka kireeyay Un-ta, isla markaana uu ka dhaadhiciyay wixii Un-ta ama cadaana waa in ay Hodheeladaas ku xaroodaan marka 5-ta galabnimo lagaaro.

Arrinkan waxaad moodaa in Ganacsi ku hoos naban yahay, oo uu doonayay xiligaas in aynan Hodheelada kale kiisa la tartamin.

2) Arrinka labaad ayaa ah Kooxaha Shabaab ee galgala ka dagaalama, isla markaana dhanka koonfurta ka agdhow oo si fudud kusoo gali kara magaalada.

Waxaana dhaawacii ugu waynaa dhanka Puntland u gaystay ninkii Ayraboorka nimanka cadaankaa ku laayay, inkastoo markiiba lasoo qabtay.

Waxaase muhiim ah in dadka la ogaysiiyo in haddii aynan nabadgalyada shacabkooda iyo dadka deegaanadooda martida ku ah nabadgalyadooda illaalin in iyagana aynan cidna bartooda ugu imaanayn.

fadlan wixii macluumaada oo arrinkaas la xiriira nowgu soo hagaaji

Puntlandobserver@gmail.com