Warbixintii Puntlandobserver ee Muranka Gulmug iyo Puntland shidaal buu salka ku hayaa oo run noqotay (Cadaymo iyo warbixinadii hore is keenay)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

War dhaaxaaba cakaaruu iman cidwalba oo khiyaano iyo laablaab waxku doonta maalin la ogaadaba waa la ogaan waxaana ku dhici doonta maah maahdii ahayd “GEELOW DAAQ DAAQ LAAKIIN MAALINTA AAD GEEDKA CIINKAA DAAQDO AYAA LAGUU YAABBAA” geedka ciinkaa waa geed Geellu markuu daaqo uu ku dhinto.

Cabdiqaybdiid shirkad shidaal

Sida sawirka kore ku cad Cabdiqaybdiid iyo Xasan Culusow waxay shirkad Shidaal Heshiis la galleen 9.7.2014, xiligaas 20 casho kadib waxaa Garaad bookhday niman Chinese ah oo layairi waxay maalgashanayaan Garacad Gaalkacyo, maalinta Shiinuhu Garacad tagey 2 casho kadib waxaa lagu dhawaaqay in DFS iyo Beesha Caalamku ay Maamul u sameeyeen Mudug iyo Galguduud.

Hadaba halkaan ka akhri warbixintii aan Puntlandobserver ku daabacnay innagoo aan hayn wax cad laakiin uu garankaray ama mala awaali karay ruuxa garashada caadigaa leh halkaan ka eeg warbixintaas.

Muranka Galmudug Puntland iyo DFS iyo waxa aanad ogayn arrin la xiriirta Shidaalka (maqaal Kooban)

Runtii warbixntaas kore waa warbixin cadaymo iyo maqal iyo muuqaal wadata oo lagaran karay waxa durba Cabdiqaybdiid iyo culsuow sidaan u waalaya in ay ahayd lacag ay qaateen ama rajo ka lahaayeen

Dhanka kalena waxaa iyadana aytahay in la rumaysto warbixin kale oo iyanao qoraalo wadata laakiin aan cadayn wadan, balse la mid ah warbixinta kore waana tan kolaba wax un baana ka jir intay rabto ha le ekaato

Maqaalkii Puntlandobserver bil ka hor qortay oo dhab noqday (Shirkadaha Shidaalka ee reer Galbeedka oo doonaya Batroolka Puntland(Beesha Daarood) in ay ku boobaan iyagoo soo maraya Beelaha Isaaq iyo Hawiye (Hargaysa iyo Xamar))

Afeef. Warbixnidaan ujeedada aan ka leenahay waa ma ahan in aan cid wax ugu dhimayno, laakiin waa mid wax lowgu sheegayo qofka raba in uu laab laab wax ku dhaco, oo aan leenahay adigoo laguu ogolyahay in aad waxaaga wadada cad ku hesho maxaad ku falaysaa khiyaanada iyo wax isdaba marinta.
Matalan Cabdi Qaybdiid iyo Culusow iimaan li idooda beesha ay kasoo jeedaan baa degta inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Muqdisho, waxay haystaan Caasimaddii, culusow wuxuuba haystaa Madaxwayne nimadii Soomaaliya oo dhan oo meel walba sacab iyo waxwalba loola taagnaa, hadana iimaan li ida intaa le eg waxaas oo dhan waa u muuqan waayeen.

Shirkadaha Shidaalka ka bayacmushtara waxay haystaan Hantidii aduunkoo dhan, Soomaaliduna waxayba u ogol yihiin 50% amaba kaba badan, waxaana ka makhraati ahaa shirkaddii Puntland shidaalka ka baaraysay oo shirkad reer Galbeeda ahayd oo waliba iyadoon wax shuruuda lagu xirin lasiiyay 50%, laakiin waxaa cad in aynan qaar badan waxaas oo dhan aan la rabin ee laga doorbidayo dad masaakiina in laga shaqeeyo sidii loo dhici lahaa iyagoo indhahoodu shan yihiin

One Response to Warbixintii Puntlandobserver ee Muranka Gulmug iyo Puntland shidaal buu salka ku hayaa oo run noqotay (Cadaymo iyo warbixinadii hore is keenay)

  1. Pingback: Kooxda Damjadiid Oo Laxaqiijiyay In Ay Ku Talagaleen In Ay Gaalkacyo Dagaal Ka Ridaan | Puntland Observer