Warixin Sida Uu U dhacay Dagaalkii Halgan ee Alshaab Ku Weerareen Saldhiga Ciidamada Ethopia ee Amisom Tuulada Halgan

Filed under: Important News,Wararka |


Ugu horeen dagaalka waxa uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaana la isku adeegsaday hub culus, waxaana Al-shabaab ay halkaasi ku waayeen saraakiil culus.
Ugu horreen Al-shabaab waxay weerarkoodaasi ku furteen ama ku billaabeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana

gaarigaasi uu ahaa nuuca loo yaqaano SURF.
Gaariga ayaa markii uu qarxay waxaa xigtay 200 Al-shabaab hubeysan ah oo weerar Labo jiho uga soo qaaday xeradaasi, waxaana halkaasi la isku adeegsaday hub culus.
Ciidamada Itoobiya markii hore xaaladda aad bay ugu adkaatay, waxaana u cuntami weysay in meesha ay joogaan ku dagaallamaan, waxay galeen godad waaweyn oo dhufeys ahaan markii horeba u qoteen.
Al-shabaab si indho la’aan ah ayeey ku yaaceen oo ay ku galeen xeradii ciidanka Itoobiya hase ahaatee sheekada ayaa si ka duwan sidii hore isku bedashay.
Ciidamadii difaaca Itoobiya ee haystay qoryaha toogashada fudud ayaa billaabay in madaxa ay ka toogtaan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Sidoo kale dalab deg deg ah oo ciidankii la weeraray dalbadeen waxaa lagu soo kiciyey Labo diyaarad oo Helicopter ah kuwaasi oo billaabay in rasaas ay toogtaan ciidanka Al-shabaab.
Hadaba waxaa soo baxayey sheegasho kala duwan iyo tirada inta ay la egtahay khasaaraha soo gaaray Al-shabaab, laakiin Warqaad.com waxay heshay tirada rasmiga ah ee laga dilay Al-shabaab.
Baaritaankeena oo aan la kaasanay shacab iyo saraakiil waxaa suurta gashay in maanta la dul tago meydadka Al-shabaab islamarkaana mid mid loo soo tiriyo.
Waxaan si xaqiiq ah u ogaannay in Al-shabaab ay ka dhinteen 145 dagaalyahanno waana tiro sax ah oo aynu ku kalsoonnahay islamarkaana warqaad.com ay si rasmi ah u hubisay.
Dadka ka dhintay Al-shabaab waxaa ku jiray saraakiil sar sare oo qaarkood iyaga oo dagaalka bannanka ka jooga dagaalka ugu tagay, waxaan ku jiray ajaaniib qaarkood Muuqaallo duubaayey iyo sidoo kale dhallinyaro u badan Soomaali.
Waxa uu noqday dagaalkaan kii ugu darnaa ee ay Al-shabaab ku baab’aan muddooyinkaan dambe, waana dagaal ay ka sheekeen doonaan.

Source: Warqaad

One Response to Warixin Sida Uu U dhacay Dagaalkii Halgan ee Alshaab Ku Weerareen Saldhiga Ciidamada Ethopia ee Amisom Tuulada Halgan

  1. Pingback: Warixin Sida Uu U dhacay Dagaalkii Halgan ee Alshaab Ku Weerareen Saldhiga Ciidamada Ethopia ee Amisom Tuulada Halgan - Daily Somalia Report