Wariyayaasha iyo Suxufiyiinta Puntland oo si wadajir ah u dhaleeceeyay Xeerkii Saxaafadda ee Baarlamaanka Puntland uu ansixiyay (Dhageyso)

Filed under: Wararka |

Aragti gaaban oo uu soo jeedinayo mid kamid ah wariyayaasha P/O oo ku saabsanxeerkii Saxaafadda ee Baarlamaanku ansixiyay.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa loo baahanyahay in ay si aan kala har lahayn uga feejignaadaan in Xukuumad kasta oo deegaan Soomaaliyeed ka dhalata ay isku daydo in ay Saxaafadda afduubato, waa isku day xaaraan ah, waayo saxaafaddu waa Hay-adda ugu muhiimsan Hay’adaha Dawladda, waayo waa halka Shacabku ay kala socdaan dhaqdhaqaaqa hay-adaha Dawladda.

Marba haddii aad aragtaan xukuumad isku dayaysa in ay Saxaafadda Xakamayso, waxaa imanaysa maahmaadii carabta ee ahayd ” Fii shay ” calashaan waxbaa jira.

Hanoqoto ku luglahaasho Gacma Shishiiye, ama Aqoon yari matalan Wasiirka Warfaafinta waxaa dhici karta in uu kamid ahaa dadkii kusoo barbaaray Waayihii Xukuumaddii Siyaad Barre oo markaas isagu xal u arka sidan ama isagu laga yaabo in uu is-leeyahay markaad Saxaafadda xakamayso ayaad wax qaban kartaan.

Si kastaba ha ahaatee Shacabku waa in ay Saxaafadda waardiyaystaan oo aynan ninna uga haybaysan ama ugu turin ama uga gabban ee ay taa baddalkeeda diidaan in Hay-adda Saxaafadda ay Xukuumaddu isku daydo in xukuumadda la hoos gaysto.

Faarax Oog.

Hoos ka daalaco waraysigiiw wariyayaasha ee uu qaaday Radio garoowe: