Wasiir Bayle: Dekadda Muqdisho Bishii Waxaan Ka Helnaa 9 million$, Ayraboorkana 1 million$, Turkiga Iyo Sacuudiguna Budget Bay Bangiga Nowgu Shubaan Daawo

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirka ugu daacadsan Soomaalida maanta nool ayaa waraysi uu siiyay Xasan Cade ku faahfaahiyay kharashaadka wasaaradda maaliyadda soo gala.

Reer muqdisho ayaa ka carooda marka ay maqlaan 10-ka million$ dekadda iyo Ayraboorka Muqdisho bilkasta kasoo xarooda waxaa lagu kabaa miisaaniyadda wasaaradaha 70-ka kooban.

Waxayna reer muqdisho durba iswaydiiyaan sababta Boosaaso iyo kismaayo iyagana canshuur looga soo aruurin waayay.
Dhanka kale gobalada kale ayaa ku eedeeya reer Muqdisho in ay afka u dhigtaan wixii Soomaaliya lowgu deeqo.
Dhanka kale Bayle wuxuu sheegay in lacagaha Soo gala DFS ay miisaaniyadda ka kabaan maamul Gobaleedyada Hirshbeel, koonfurgalbeed iyo Galmudug maadaama aynan lahayn dekado dakhli soo xareeya, balse aynan maamul gobaleedyada dekadaha leh aynan wax miisaaniyada siin.
Turkiga iyo sacuudiga ayaa iyaguna lacagao malaayiina siiya bilkasta dfs.
Dekadda Muqdisho ayaa daboosha baahida gobalada ku xeeran, oo waxkala soo dega dhammaan goabalada ku xeeran.

Haddii ay reer Muqdisho arrinkaan ogaadaan waxaaba laga yaabbaa in ay dawladda ku kacaan oo yiraahdaan caasimadda naga wareejiya iyo dawladda kharashaadkeeda.

Hase yeeshee waxaan jirrin nidaam dawladeed iyo hay’addo mideeya federaalka iyo dawlad gobaleedyada

Hoos ka daawo waraysiga

One Response to Wasiir Bayle: Dekadda Muqdisho Bishii Waxaan Ka Helnaa 9 million$, Ayraboorkana 1 million$, Turkiga Iyo Sacuudiguna Budget Bay Bangiga Nowgu Shubaan Daawo