Wasiir Juxa Iyo Maxamed Baashe Oo Ah Siyaasi Reer Somaliland Oo Soomaali Uga Sheekeeyay Siday Ul Iyo Diir U Ahaayeen Markay Qurbaha Joogeen Walina U Yihiin

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalida ayaa loo maleegay dagaal sokeeye oo dhexdooda ah hase yeeshee marka qurbaha la jooggo Soomaali waa hal qoys oo ul iyo diira.

Waxaana markii ugu horaysay iyagoo xilal dawladeed ka kalahaya DFS iyo Maamulka Somaliland Soomaali uga sheekeeyay sidii ay walaalo u ahaayeen markii qurbaha la joogay Maxamed Baashe Iyo Wasiir Juxa oo hadda fasax ku jooga Puntland.

Juxa ayaa ah nin markasta wanaag lagu tilmaamo, markii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland ayuu ahaa nin shaqadiisa kasoo baxay, hadana aad mooddaa in uu daacadnimo ku maamulo xilka uu Soomaali u hayo.