Wasiirrada Xukuumadda DFS oo Aan Fahansanayn Waxay Ku Kala Duwan Yihiin Shaqada Wasiirrada DFS Iyo Shaqada Wasiirrada Maammul Gobaleedyada

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Haddii aad eegtid magaca DFS, DFS waxay u taagantahay Galkii ama bashqaddii ay ku dhex jireen dawladaha xubnaha ka ah DFS.
confusion
Shaqada DFS sideedaba waa diyaarinta siyaasaddii lagu hagi lahaa Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Dhamaan dawladaha qaatay nidaamka Federaalka, wasaaradaha Dawladda Federaalka wax hawla ama shaqo ah ma qabtaan, laakiin waxay qorsheeyaan oo nashqadeeyaan siyaasaddii ay ku shaqayn lahaayeen wasaaradaha maamul gobaleedyada.

Shaqadda wasiirka DFS waa nashqad samayn ee ma ahan hawl fuliye.
Marka ay lacag DFS soo gasho, waa in DFS ay ayagoo wasaaradaha maamul gobaleedyada la tashanaya qorsheeyaan shaqooyinka wasaaradaha maamul gobaleedyada iyo maaliyaddii ay ku shaqayn lahaayeen.

Baahida shaqada la qabanayo waa in ay ka timaaddaa dhanka maamul Gobaleedyada, ee ma ahan in DFS iyadu soo qorshayso iyadoon la tashan wasaaradaha maamul gobaleedyada.
Dhanka kale DFS waa wakiiladii ay Soo dirsadeen Maamul Gobaleedyadu.

Hadase DFS waxay u shaqaynaysaa sidii Maamul Gobaleed u shaqaynaya sidii maamul Gobaleed ka mida maamulada DFS, wixii caalamku ugu talo galay dawladaha xubnaha ka ah DFS waxaa goonideeda u qaadanaya siyaasiyiinta haya DFS.
Ama waxay u shaqaynayaan hanaankii Dawladdii dhexe ee ay waxwalba Dawladda dhexe qorshaynaysay oo fulinaysay.

Wasiirada DFS shaqadoodu waa samaynta nashqadda ay wasaaradaha dawladaha xubnaha ka ah DFS ay u shaqayn lahaayeen, ee DFS iyado meelna maba xukunto.

Hadda sida ay DFS u Shaqaynayso waa caqabad hortaagan dawladaha xubnaha ka ah DFS.
Waxaana wanaagsan in Caasimadda iyadana maqaamkeeda gooni lawgu sameeyo.