Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Soomaaliya oo Saakay gaaray magaalada Kismaayo

Filed under: Wararka |

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Max’med Xuseen Odawaa iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Saakay booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay Raaci doonaan Xubno ka tirsan Wasiirada Xukumadda iyo Xildhibaano.

Ujeedka Socdaalka Wafdiga Wasiirka ayaa lagu sheegay in ay tahay Labo Arrimood oo kala ah in ay ka qeyb galaan Soo Xulista Baarlamaanka Jubbaland oo hada Heer Gabo gabo ah maraya iyo Arrimaha isku dhafka Ciidamada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Markii uu ka soo laabto Magaalada Kismaayo uu gaari doono Puntland,iyadoona la sheegay in Arrimaha Isku dhafka Ciidamada uu Puntland u tagi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweyneyaasha Puntland,Jubbaland iyo Kofur Galbeed ayaa Heshiis ay ku gaareen Muqdisho waxaa ku jiray Arrimaha Isku dhafka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.