Wasiirka Dekadaha Puntland: Dekadda Boosaaso Waxaa Lowgu Talagalay In Laga Dhoofsho Macdanta, Batroolka, Kalluunka, Tan Barbera Xoolaha, Tan Kismaayo Moosk (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raagge oo ka hadlayay dekadda Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkadda Dp-World ayaa sheegay in xiligii dawladdii Soomaaliya qorshaha dhismaha dekadda Boosaaso uu ahaa in laga dhoofsho Batroolka, macdanta iyo kalluunka, halka qorshihii laga lahaa markii la dhisayay dhismaha dekadda Berbera uu ahaa dhoofinta Xoolaha, Kismaayana ahaa dhoofinta Mooska.

Hadalka Wasiir Saciid ayaa ah mid saxa waayo xilligii dekadda Boosaaso la dhisayay waa xili ay Soomaaliya ka socotay hirgallin ceelal shidaal.

Siciid ayaa sheegay in hadda qudheeda aynan qorshahaas waxba iska badelin.
Soomaaliya ayaa mustaqbalka noqonaysa dalka Afrika ugu dekadaha badan, tusaale Kenya ayaa leh hal dekad, laakiin Soomaaliya ayaa la filayaa mustaqbalka inay yeelan doonto in ka badan 10 dekadood waxaana ugu wacan xeebta dheerarka badan, waxaana cajiiba Djabouti oo dhawr dekadood leh
Hoos ka dhegeyso.