Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka AESOP]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

2785933c28c16df69de23988aed48ec8

Webiyada iyo Badda [Sheekaxariirooyinka Aesop]

Waa waayada ka mid ah ayaa dhammaan Webiyada isu yimaaddeen si ay uga ashtakoodaan falka Baddu sameeyso, kaas oo ah in biyahoodu ay milix u rogto. “Kolkaannu adiga kuu nimaadno,” ayay Baddii ku yidhaahdeen, “waannu macaannahay oo waa nala cabbi karaa: hase ahaatee, goortaannu muddo gaaban kula joogno oo aannu kugu milanno ayaa biyahayagii noqdaan sida kuwaagoo kale oo milixsan oo aan afkaba loo dhoweeyn karinnin.” Ka gadaale baddii baa jawaabcelisey, “Agtayda ka fogaada oo macaankiinnaad ahaan doontaan.”

Kuwa ugu faa’idada badan ayaa ah kuwa aalaa ashtakoodka ku horreeya

Aesop