“Wigladii Ashqaraarka” by Mohamed Haji Nur

Filed under: Wararka |

“Wigladii Ashqaraarka” by Mohamed Haji Nur

Mohamed.Nuur.1990

Ummadyahay adduunyada
Haddaad oogadeediyo
Uurkeeda baartaan
Sida uu Ilaahay
U abuuray oo qur ah,
Sow ma ashqaraartaan?

Goor ay al-layl tahay
Arladuna madowdahay,
Haddaad samada eegtaan,
Dab la oogey oo kale
Xiddigaha iftiinka leh,
Sow ma anfariirtaan?

Mid kaloo la ayniya;
War bal eega geedaha!
Uluufaad malyuunka ah
Mid walbana itaalkii
Loo aasay xididkoo,
Aayaha ku deriska ah!

Qaar baa udgoonkiyo
Ubaxooda dhaayuhu
Ku ildoogsadaanoo
Naftu ku istareexdaa,
Qaar baan ilwaad iyo
Anfacaba lahaynoo,
Qofna saa u eeginoo,
Waxba looga aayine.

Qaarna waa addoomaha
Kuwo lagu irsaaqoo
Agabsiga harkoodiyo
Arahdooda mirahay
Oonka iyo gaajaday
Nafta kaga ilaashaan.

Mid kaloo la ayniya;
Aadmiga sidoo kale,
Labo aabbe wada dhalay
Oo waxaad arkaysaan
Araggooda muuqiyo
Ereygooda kay tahay,
Alif iyo Xa’ oo kale
Mid mid loo ekeeysiin.

Qaar baa ehelu-diinoo
Udgoonow Rasuulkiyo
Aamminay Quraankoo,
Waxaan la oggolayn iyo
Uumanaha wax yeelinoo
Rabbigeen ammaanee.

Qaarna waa ibliis iyo
Kuwo aafo joogto ah
Waqood lagu inkaaroo
Shareecada Islaamkiyo
Aakhiro salkoodiyo
Ka ambada cibaadada.

Mid kaloo la ayniya;
Iyagana ayaamaha
Ilaa iyo qiiyaamaha
Abiidkood isdaba yaal
Oon la kala illaaween,
Siday amar ku qaataan.

Aqoon naga sarraysiyo
Asraar lama gartaan iyo
Waa ammuur la yaab loo
Arrimaha Ilaahay
Keligii ogyahayoo
Naga awday weeyaan.

Axad baw ab weynoo
Loogu hor asaasoo,
Isniin baw arrimisoo
Waa ayaanti Nebigoo,
Talaadaa arooskiyo
Allabari ku fiicane,
Arbacaw ammaansano
Awliyada ku caanee.

Ajarkiyo Khamiis baa
La qoraa irsaaqdoo,
Jimcaa ugu ammaananoo
Asbuucaba u sidatee,
Sabti baa ayaan loo
Bal Ilaahay amarkii
Bilowdaan abidkood
Maalmaha Islaamkuye.

Aayadahaa daliilka ah
Ruuxii inkirayow,
Jiritaanka Eebbiyo
Anbiyaada diidow,
Ifka joogi mayside
Aakhirana aabbiyo
Ehel kuuma joogee,
Yaad u irkan doontaa?

Ninka eedda gelayoo
Waqii amarkutaagliyo
Ku adeegta dulankow!
Awowgaa sidiisii
Qabraa lagugu awdiye,
Markii iilka lagu dhigo
Malaa’igaha kuu iman,
Maxaad kula akeekamin?

Aabi iyo isyeelyeel
Ammaan kuma helayside,
Imtixaanka goortay
Noo sheeg arkaankiyo
Ashahaado ruuxyohow!
Aad ugu dhawaaqaan,
In aad ooydo mooyee,
Maxaad ku oran doontaa?

Maxamed Xaaji Nuur