Wiil Yar Oo Reer Burco oo reer Somaliland Runta U Sheegay In Caalamku Waligii Aqoonsanayn Somaliland

Filed under: Important News,Wararka |

Maalmahaan waxaa socda sidii loo aqoonsan lahaa kurdida Ciraaq, laakiin kurdida iyaga arrinkooda inkastoo aynan dalalka carabtaa yeelayn hadana aduunka waa laga iibinkaraa, waayo waa qowmiyad ka duwan qowmiyadda Carabta oo luuqad u gooniya ku hadla, xitaa shiicada iyo suniga waa la qadarin karaa in lakala jaro.

Laakiin hal qowmiyad oo isku diina isla suniya isku luuqada, maxaa caalamka loo sheegayaa in Somaliland lagu aqoonsado waa laba arrimood.

1) Qaab qabiil ahaan baa koonfur nalooku xasuuqay ??? oo waliba la ogyahay in uu Siyaad Barre qabiilo badan xasuuqay.
2) Ingiriis baa bari nagumaysan jirray? oo intii uu ingiriisku gumaysanayay ma isku raacsanyihiin in ay go’aan, tan kale ingiriisku siduu waxu qayb qaybshay maanta isagaaba dacwad loo haystaa oo qalad bay ahayd dad isku qowmiyada in lakala qaybsho.

Hadddiise aakhirkii ay dadka dalka ka go’ayaa ay kuwa go’ayaa oo dhan isku raacsanyihiin xitaa waa gar, laakiin 5 beelood ee Somaliland beel kamida un baa gooni isutaagga rabta.

-arrimahaas oo dhan haddii la qadariyo waa waqtidhumis fikirka gooni isutaagga waana sababta inankaan yar uu gartay oo ay odayaaasha waawayn garanwaayeen.

Xalka.
1) Illaa 300 oo degmo oo wada madaxbanaan la sameeyo
2) illaa 10 maamulgobaleed dfs hoos taga
3) Somaliland doorashada soo socoya la siiyo Madaxwaynaha waliba madaxwaynaha hadda Somaliland madaxwayne ka noqda la siiyo.
4) Dadka la diinwaangaliyo oo Doorashada ku xigta la sameeyo illaa 300 constitiency
5) degmooyinka dakhliga canshuuraha ay soo uruurshaan 50% haku dhaco akoonka degmada, 20% akoonka maamulgobaleedka degmadu hoostagto, 30% akoonka dfs.
6) Instituatins adag la dhiso oo musuqa iyo qabyaaladda laga illaasho

Dalku wuxuu ku wanaagsanyahay Unity iyo dad badan oo wax isku darsaday ee halbeel oo meel isugu tagay aakhirka iyagaa isku soo jeensanaya, waxaa wanaagsan in umaddu kala nafisto.