Xaaf: Waa Ka Xumahay In La Qaban Waayay Gaari La Ogaa Oo Tm Ah Oo Shabeelada Hoose Ka Yimid

Filed under: Wararka |

Sida wararka aan ku helayno, askarta joogta goobaha baabuurta lagu baaro, waxay qaataan lacag aan saas u badnayn oo darawalka waxay kula gor gortamaan imisaad bixinaysaa aan ku sii daayaa, waxaana la sheegayaa in ay jiran askar guryo ka dhistay lacagta ay ka qaadaan baabuurta.

Waxayna wararku nagu soo gaarayaan in ayba hadda caadi ka noqotay Muqdisho in askariga xoogaagiisa loo laabo si uu kuug fududeeyo in aad dhaaftid.

Xaaf ayaa sheegay in gaarigaan laga warhayay laakiin uu la yaabanyahay sababta gaarigaas loo qaban waayay.

-Waxay u badantaay in ay kharashaad isticmaalleen dadqalatadii soo malleegtay in shacab aan waxba galabsan la gumaado.