Xaaladda Gaalkacyo ee saaka

Filed under: Wararka |

Magaalada Gaalkacyo oo uu shalay dagaal culus ka dhacay ayaa saaka ku waabariisatay jawi degan.

Ciidamada Daraawiishta oo shalay dagaalkii xili danbe galay ayaa markii hore Jiiray ciidamadii Galmudug balse fariimo shacabka nabadda jecel ka yimid lagu khasbay in ay Goobahoodii ku soo noqdaan si ay shacabka Galmudug deegaanadooda ugu soo noqdaan uguna madaxbanaanaadaan.

Si kastaba ha ahaato waxaa saaka goobahoodii hore kusugan labada maamul ee Galmdug iyo Puntland, waxaana socda waan waan nabadeed oo xoogan oo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ka qaybqaadanayaan.

Waxaa maanta Puntland kusoo wajahan Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe si uu u dhexdhexaadiyo labada daraf ee Puntland iyo Galmudug.
Waxaa iyana dhaqdhaqaaq culus wada Culumada Gaalkacyo ee labada dhan.
Sidoo kale waxaa iyana wada hadlay Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxwaynaha Puntland.
Waxaa Gaalkacyo xalay soo gaaray Gudigii uu Raysalwasaaruhu u magacaabay Qulquladda Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Odawaa.

Iyadoo intaas oo waan waana ay socoto, ayaa hadana dhanka kale waxay wararku sheegayaan in dhanka Galmudug ay wadaan dhaqdhaqaaq culus iyo dad badan oo aaminsan in aynan daacad ka ahayn nabadda ay ku baaqeen Madaxda Galmudug oo shalay xasuuq ba’an gaystay intii yarayd ee ay la wareegeen Koonfurta Xaafadda Garsoor, halka aynan Puntland wax xasuuqa ka gaysan aagagii ay qabsadeen markii danbe