Xaggee Ku Danbeeyeen Boqolaalkii Alshaab Ee Dagaaladii Suuj, Garmaal, Iyo Garacad Lagu Qabtay?, By Waceys Ilfur

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

WARBIXIN XASAASI AH OO KU SOCOTA MADAXDA & MASUULIYIINTA PUNTLAND.

Dhamaantiin Reer Puntland meel walba aad joogtaan Dibed & Gudaba waxaan rabaa inaan Masuuliyiinta & Madaxda Puntland weydiiyo su’aal in badan oo naga mida ka guuxaysa.

Si gaara Madaxweynaha Puntland & Saraakiisha Puntland ee Amniga,  Golaha Garsoorka, Maxakamada Sare.

Waxaanu ognahey in Ciidan Alshabaab ah oo ka yimid dhankaas Xaradheere ay soo Weerareen Sanadkii Hore Puntland  Ciidanka yimid oo Ay horkacayeen Niman udhashey Puntland ayna kasoo degeen Dhanka Xeebta Garacad, Garmaal, Suuj.

Ciidanka Alshabaab oo gaaraya 1000 Nin oo aad u hubeysan oo Qoryahooda, saadkoodii & saheydoodiiba wata mudo 24 saac gudohooda Ciidamadii Puntland Dagaal waxay galeen oo kaga hortageen xeebaha & bariga dhulka xagiisa.

Dagaal aad uqaraar oo dhinacyada Xeebaha Gobolka Mudug, & Nugaal, & Karkaar, Dagaal garba siman oo Maalmo lagusoo afjarey Ciidamada Puntland dhimasho & dhawaxba waa kasoo gaareen dagaalkaas, laakiin guul baa ka danbeysey Ciidamadii Duulaanka ahaa ee gabaad ka dhigtey toga suuj & garmaal.

 

Ciidankaas Shabaabka wixii dagaalka ku dhintey mooyee intii kale waxaanba ognahey in Maxaabiis ahaan Loo qabtey dad boqolaal gaaraya in Xabsi lageeyey baa noogu Danbeeysey.

Markii Dagaalka lasoo afjarey oo uu dhamaadey wixii kadanbeeyey dagaalkii wax maxkamada lasaarayo ma aanu maqal mana arag, wax tiirka lataagayo waxaa nagu maqaalo ah in yar oo caruur ah oo qaramada midoobey loo dhiibey oo 20 gaaraya.

meeye kuwii kor udhaafaya boqolaalka oo layiri waa caruur da’ yar UN baa waxay u fiirisey bini’adanimo Qoysaskoodii baa dibloogu celinayaa diyaaradaa lasaarey Xamar Baa laga Dajiyey baa noogu war danbeysey ma xuma kuwa aan qaangaarka aheyn in lasii daayo, laakiin nimankii waa weynaa oo duulaanka hogaaminaayey oo dhiigyacabka ahaa ee kale meeye, hadey jiraana xabsiyada ay kujiraan waa xagee? Hadii maxkamada lala sugaayana hala cadeeyo waxaan rabnaa hadalkaan in meel lasaaro masuuliyiinta war cad baan karabnaa?

WAX IS WEYDIIN MA XUMEE WAX IS WEYDAARIN BAA DARAN.

By Waceys Maxamuud Maxamed Ilfur