Xaqdarada dadka Xajka U socda lagu sameeyo iyo sida dadka masaakiintaa loo dhaco (Warbixin)

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

Aduunkii maanta wuxuu noqday meel qofkasta uu dadkii dunida ugu masaakiinsanaa sidii Hilibkii xaqiisa u canayo.

Dadka Soomaalidaa ee masaakiintaa ee xajka u socda ayaa la dhacaa, waxaanan idiin hayaa sida loo dhaco. mapka eeg
kharashka xajka
Mecca Oo xajku ku yaal iyo Berbera waxay isku jiraan masaafo dhan 1300 km maamada kaliya ee xajka lagaynayo ee Soomaaliya ka baxaysa qolooyinka xaaraan cunkaa ee tuugadaa ee hadana diinta sheegta waxay ka qaadaan 4000$, oo ay ku jirraan kharashaadka 21  casho.
Hooyada aan caruurteedu wadin waa in uu qof muxrim ah kaxeeyaa oo qaraabo ah, qofkiina waxaa laga rabaa 4000$, kharashaadka dheerigaa waa 2000$, waxaa ku baxaysa maamadii 10000$.

Halka Stckholm iyo Addisababa ay isku jiraan 6000 km,  diyaaraddda Stockholm -addisababa waa 500$, guriga addis kirada bisha waa 150$, haddii aad hodheel dagayso hodheelkii habeenkii 5€, Cuntada bisha waa 200$ isku dar =====850$ macaa diyaaraddii, Hodheeklkii, Cuntadii.
Maapka ka eeg waa google earth oo laga arki-karo masaafada stockholm-addisababa.

stocholm addis
Haddii marka qofkii ka immanayay sweden oo cirifka aduunka ah ee Addisababa yimid waa annigan qoraya maqaalkan aan ku imid 500$ go and backk addisababa airwaysa hadda ka eeg , hoteelkii addisababa ee Soomaalidu lahayd aan habeenkii 5$ ku seexanayay, cuntadana bishii isku celceshay 200$, halka Maamadii Gaalkacyo laga soo kaxeeyay ee xajka la gaynayay ay ku baxday 10000$.

Aaway diintii, aawaye xadiith yadii ka shekaynayey Ribada iyo in la iska illaasho xoolaha masaakiinta.

Hadda halkaas waxaa ka cad in la is dhacayo, oo waliba qofkii maskiinka ahaa ee xajka u socday la dhacayo.

Illaahow noo sahal xilli khataraa lagu jiraa.

P/O Desk