Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug oo soo bandhigay Qorshe siyaasadeedkiisii iyo wixii Qalab lagu wareejiyay (Daawo)

Filed under: Wararka |

Gudoomiha Cusub ee Gobalka Mudug Xasab Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa soo bandhigay Qorshe siyaasadeedkiisa uu damacsanyahay in uu kaga hawl galo Gobalka Mudug.

Anigoo fulinaya ilaalinta Siyaasadda iyo Shuruucda dawladda Puntland, waxaan ku dadaalayaa adkaynta Nabad gelyada iyo Xasiloonida Gobolka Mudug
1) Waxaan ka shaqaynayaa isku xirka Madaxda Nabadgelyada Gobolka iyo Degmooyinka iyo Odoyaasha Nabadgelyada ka shaqeeya.
2) Waxaan ku dadaalayaa Xalinta iyo maaraynta Khilaafaadka
3) Waxaan kormeerayaa Fulinta Qorshayaasha Horumarineed ee Degmooyinka
4) Waxaan isku xirayaa Qorshayaasha Horumarineed ee Degmooyinka Gobolka iyo Dawlada dhexe
5) Waxaan kormeerayaa Fulinta Qorshaha Siyaasadeed ee dawlada Dhexe ee Gobolka Mudug iyo degmooyinkiisa
6) Waxaan hawlgelinayaa, hawlahoodana ku kormeerayaa madaxda Nabadgelyada Gobolka, Degmooyinka iyo madaxda maamulka laamaha dawladda ee heer Gobol
7) Waxaan ku dadaalayaa inaan Xiriir wadashaqayn la yeesho Isimadda Gobolka, Nabadoonadda Beelaha , Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, ururadda Haweenka iyo Dhalinyada Gobolka Mudug.
8) Waxaan kormeerayaa, ilaalinayaana Mashaariicda Horumarineed ee dhaxal galka ahayd ee dawladdu ka fulisay magaalada Gaalkacyo, wixii dhimana waxaan ku dadaalayaa sidii loo dhamaystiri lahaa

Dhagayo Guddoomiyaha Xasan Maxamed Khaliif oo arrimahaas ka hadlay