Xasan Cabdulle Sanwayne Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Mudug (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Xasan Cabdulle Sanwayne Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Mudug, oo horey usoo ahaa kaaliyihii agaasimihii hore wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Mudug oo ay Bishhii May Kooxaha argagisisaa ku dilleen magaalada Gaalkacyo.

Sanwayne
Xasan Cabdulle Sanwayne oo ay qaraaba hoose ahaayeen Agaasimihii hore Gaadayare alla ha u naxariistee , ayaa loo badinyaa in habka xilkaan lowgu magacaabay aannu ahayn hab dastuurka Puntland waa faqsan balse ah habka loo yaqaan qancinta beelaha, waxaana aynan Puntland hellin nidaam dawliya oo uu sharcigu sareeyo, iyadoo ay hadda isa soo tarayso sida uu nidaamka dawligaa ee Puntland ugu sii siqayo nidaamka dawligaa nooca loo yaqaan “RULE OF JUNGLE” NOT “RULE OF LOW”

NIDAAMKA RULE OF JUNGLE WAA NIDAAMKII QISADII SHIRKII HABAR DUGAAG.

WAA BAA WAXAA SHIRAY HABAR DUGAAG.
HABAR DUGAAG WAXAY QASHEEN NEEF.
LIBAAX BAA YIRI YAA NEEFKA QAYBINAYA.
DHURWAA BAA YIRI ANAA QAYBINAYA.
DHURWAA WUXUU YIRI NEEFKA LABO HA LOO QAYBSHO, OO QAYB HA LA SIIYO LIBAAX, QAYBNA HABAR DUGAAG OO DHAN.
LIBAAX AYAA DHARBAAXO KU DHIFTAY DHURWAA, DABADEEDNA DAWACO KU YIRI ADIGU QAYBI NEEFKA DAWACOOY.
DAWACO AYAA TIRI NEEFKA SADEX NOWGU QAYBSHA, OO LABA QAYBOOD LIBAAX SIIYA, QAYBYA HADHA INTAYADA KALE.
LIBAAX ARRINKII WUU U RIYAAQAY.
DABAGAALE AYAA DHARBAAXAY DAWACO OO YIRI LIBAAX ANIGAA QAYBINAYA.
LIBAAX BAA YIRI BAL DAGABAALE AAN DHEGEYSANO ISAGANA.
DABAGAALE WUXUU YIRI NEEFKA LABA NOWGU QAYBIYA, QAYB ANNIGA HALKAA II DHIGA, QAYBTA HADHA INTIINA KALE, HADAAD DIIDAAN WAAD KA SHALAYN DOONTAAN, HADAL DANBE MA HARRIN WAQTIGUNA WAA IDINKU YARYAHAY.

LIBAAX BAA HADLAY WUXUU YIRI, TALADA DABAGAALE WAA YEELAY ANNIGU.
LIBAAX WUXUUNA YIRI DABAGAALE WAXBUU OGYAHAY WUXUU SAAS U LEEYAHAY EE AAN NAFTEENA BADBAADINO.

Haddii aan puntland sharci iyo kala danbayn lagu maamulin, aakhirka qisadu waxay kusoo idlaanaysaa

Qisadii.
Nin Quwaax hella.
Nin Qaroon hella.
Nin iskaba qada.
Arla waa Qaram.
Hala lakala qaramsado
Waa heesaha daanyeeradu qaadaan marka la shaqo tagayo.

Puntland haddii aan sharcigu shaqayn oo aan sharciga iyo dastuurka la dhawrin, waxaa meesha ka baxaya nidaamkii dawladnimo, iyo in dadku dawladda wax ka sugaan, waxa kaliya ee looga gudbi karro damaca beelaha waa iyadoo waxwalba hannaan sharci lagu saleeyo

P/O Desk

One Response to Xasan Cabdulle Sanwayne Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Mudug (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Xasan Cabdulle Sanwayne Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Mudug (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report