Xasan Sheekh oo nin Macalinkiisii dugsiga marna Abtigii hoose ah u magacaabay Safiirka Ruushka u fadhiya Soomaaliya (Xog hoose)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwaynaha ay qabyaaladda iyo kaligi talisnimadu madaxa martay Xasan Sheekh ayaa isagoon cidna la tashan qaab qabyaaladaysan ama eexaysan isaga magacaaabay Safiirka Soomaaliya Ruusha u fadhiya macalinkiisii hore Cabdullaahi Maxamed Warasame (Duqow).

Cabdullahi Maxamed Warsame ayaa Abti hoose u ah Xasan Sheekh, dhanka kalena Cabdullaahi ayaa ah nin da ah oo 80 jir ah.

Safiirka hadda Soomaaliya u fadhiya Ruushka waa Maxamed Maxuud Xandule.
Xandule
Aqoon yahan Maxemed Maxuud Xandule Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka ayaa ah nin Ruushka deganaa muddo afartan sano ka badan isla markaana Jaamacado badan uga baxay sidoo kalena kamid ah Ragga aadka looga yaqaan Dawladda Ruushka oo gallaangal badan u leh.

Maxed Maxuud Xandule ayaa lagu xasuustaa Soomaalidii faraha badnayd ee uu caawiyay xiliyadii sagaashameeyadii markii Soomaali badan oo qaxootiya ay Ruushka yimaadeen.

Maxed Maxuud Xandule oo kasoo jeeda Magaalada Hargaysa ayaa ah nin ay Midnimida Soomaalidu ku wayntahay, balse Xasan Sheekh isagoon wax qadarin ah siin arrimahaas aan kor ku xusnay oo dhan ayuu Abtigiis si iska qabyaaladaysan ugu magacaabay Safiirka Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida degan dalalka ruushka la dariska ah iyo kuwa degan Ruushka ayaa qaba in Madaxwaynuhu u daayo jagada Safiirnamada axamed Maxuud Xandule, isla markaana uu Madaxwaynuhu Cabdullaahi Maxamed Warasame (Duqow) meel kale u magacaabo

Puntlandobserver Desk