Xasan sheekh oo si fiican Turub ula ciyaaray Gaas, waxaa rumowday maahmaahdii Hawiye Turub Barrey (Akhri)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Kooxda Xasan Sheekh oo loo badinayo in ay Gacmo shisheeye gacan saar la leeyihiin ayaa warar isa soo tarayaa ay sheegayaan in ay si fiican Turubka ula ciyaareen Madaxwayne Gaas, waxaana dhabaowday maahmaahdii ahayd “HAWIYE TURUB BAREY”.
faroole-chess

Kooxdan Xasan Sheekh iyo saaxiibadooda Gacmaha Shisheeye ayaad mooddaa in ay Soo akhriyeen Koodhka Gaas IYO WAXA UU KU QANCI KARRO.
Kooxda Xasan Sheekh oo doonaya in ay ku soo baxaan Doorashada 2016, ayaa Gaas u been guuray waxayna ka dhaadhiciyeen in ay Gaas u Dooranayaan Madaxwaynaha 2018 ee DFS, marka si ay Kooxda Xasan iyo Kooxda Gaas labaduba u Najaxaan, waxay Gaas ka dhaadhiciyeen waxaan kugu taageeraynaa in aad Puntland sii hayso illaa 2018, Marka lagaaro 2018 waxaan kugu Taageeraynaa in aad ku soo baxdo doorashada DFS ee 2018.

Si marka aan arrimahaas kuugu taageerno adiguna waxaad nagu taageertaa muddo kordhin labo sano ah in naloo sameeyo, iyo Fikradaha aan wadano ee sida uu u dhacayo hanaanka doorashada ee lagu soo xulayo Xildhibaanada mustaqbalka .

Dad badan baana aamin doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland in ay kharashaadka ku baxay dhiibeen kooxda Xasan si ay u muujiyaan in ay daacad ka tahay ballanqaadkii ay u sameeyeen Gaas.

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Turubka la jeexjeexaan Gaas kooxda Xasan Sheekh ee sidaas si le’eg ayay kooxda Xasan Sheekh Turubka ula ciyaareen Gaas 2012-kii markaas oo uu Gaas ahaa Raysalwasaaraha DFS iyagoo markaas qudheeda ay Gaas iyo Xasan isku ballansadeen in midkii Madaxwayne kusoo baxaa uu kan kale Raysal Wasaare ka dhigayo, balse markii u danbaysay ee Xasan uu Madaxwaynaha noqday ballantii looga baxay Gaas.

Waxaana sidaas oo kale ay kooxda Xasan lug wayn ku lahaayeen qaban qaabadii hanaankii doorashada ee 2012-kii oo ay xiligaas Gudoomiyaha Doorashooyinka 2012-ka (Halkaan ka akhri warbixntaas) oo ay kooxda Xasan uga dhigeen Xaliima Yarey, waxaana arrimkaas cadaynaya in doorahsada 2016 ay isla Xaliima Yarey Gudoomiye uga dhigeen kooxda Xasan, halkaan ka akhri sida xitaa warbaahinta Soomaalidu ay u sii saadaaliyeen intii aan lagu dhawaaqin gudigaas.

Magacyada iyo beelaha gudiga doorashooyinka qaranka ee 2016 iyo sida loo kala keensaday