Xildhibaan Cabdibare Gacana waa Xuquuqda Puntland Gacana Waa Difaaca Fadaraalka

Filed under: Wararka |

Xildhibaan Cabdibare jusuf jibriil oo dhawaanahan boqoshooyin ku kala bixinayay dalalka caalamka Gaar Ahaan wadamada scandinavianka ayaa Hada ku sugan dalka SWEDEN. Xildhibaanka oo ah nin siyaasada kusoo jiray ilaa dawladii siyaad bare ahna nin kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee dada yar,ayaa muu jiyay shaqo iyo hawlkarnimo dheeraad ah oo uu ku bixinayo sidii mar uun soomaaliya u heli lahayd nidaam iyo kala danbayn iyo dawlad shaqaysa oo rasmi ah hanan kartana amaanka iyo nabad galyada dalka soomaaliya oo dhan.

CabdiBare ayaa aamin san in mudo dheer ay soomaaliya ka hadhay tartankii nololeed ee ay kula jirtay afrika iyo caalamkaba kadib markay la hareen dagaalo sokeeye iyo burbur keenay dawlad la’aan oo aan wali loo helin xal rasmi ah balse hada lajoogo barbiloow wax laga sii amba qaadi karo,hadii lahelo muwaadiniin soomaaliyeed oo dhexda guntiga u xirta.CabdiBare ayaa amin san in la taageero hanaanka dawlad nimo ee curdanka ah,lana saxo waxkastoo hagardaamaynkara umada soomaaliyeed dawladnimadeeda iyo mustaqbalkeeda.waxa kaliya ee hada soomaali isugu imaankartaana si xal loo helo iyo dalka oo la xasiliyo ayaa ah nidaamka fadaraalka ah sidaa daraadeed hadii aysan dawladu dhawrin nidaamkaa soomaali laysugu keenayo oo aysan dastuurka fadaraalka ah ilaalin waxaa imanaya dhibaato iyo dib u dhac horleh mana aqbali karo arintaas.

Xildhibaan bare oo ah nin aad uga muuqda xildhibaanada soomaaliyeed aadna u difaacay sharafka baarlamaanka soomaaliyeed iyo ilaalinta xeerka iyo nidaamka fadaraalka ayaa la waydiiyay su’aalahan mar uu marayay wadamada reer galbeedka Magaalada Helsinki ee Dalka Finland ..

Suaal 1.Adigu xildhibaan ahaan fadaraal baa tahay xamaraad fadhidaa maxaad u difaacdaa marwalba puntland?

Xildhiban Bare: “Adeer su’aashaan marwalba way soo noqnoqotaa horana waa uga jawaabay inbadan waxaadse ogaataa aniga ka xildhibaan ahaan waxaan kasoo galay baarlamanka Puntland maadaama ay ii doorteen in aan kamid noqdo baarlamanka fadaraalka xaq bay iigu leeyihiin in aan difaaco xuquuqdooda ay ku leeyihiin fadaraalka oo ay kamidka yihiin,raalina ka noqon maayo in xad gudub iska daaye saxar yar lagaarsiiyo puntland xaqbaana u leeyahay difaacideeda sharciyan, noqono maayo kuwa xilkiina qaaday hadana ka aamusa ee xeeladaysanaya”

Suaal 2. Xildhibaanada kale gobolada ay kasoo jeedaan uma qayliyaan mana difaacaan waa maxay sababtu?,sideedse isugu wadi labada shaqo gobolkaad kasoo jeedo iyo fadaraalka?

Xildhibaan CabdiBare: “Halkan waxaad i waydiisay waa laba suaal maha suaal kaliya,qaybta hore waxaan oran lahaa suaashu waxay ku haboonayd inaad waydiiso xildhibaanada,hasa yeeshee waxay ilatahay ninkii maamulgoboleedkii laga soo doortay xuquuqdooda ilaalin waayay oo haday gar leeyihiina u hiilin waayay hadii ay gardaran yihiina qaban waayay inta karaankiisa ah in uusan ilaalinaynin xuquuqda guud ee fadaraalka dhexe oo dalka oo dhan sidaas ayaan qabaa xilkuna daacad nimo iyo geesinimo ayuu raba hadii la qaado.

Qaybta labaad suaasha waxay ilatahay in aan gacana aan ku ilaasho xuquuqda ay puntland ku leedahay fadaraalka gacana aan ku ilaasho difaaca nidaamka fadaraalka dawlada dhexe dastuurka dalka iyo sharafka iyo karaamada qaranka soomaaliyeed labadanba xilbaa iga saaran iyo waajib sharciyan in aan difaacana xaqbaan u leeyahay waa hadaynu isla wada garanayno nidaamka dawliga iyo fadaraalka.”

Kuwaasi waxay kamid ahaayeen su’aalihii la waydiiyay xildhibaanka.Bare ayaa ku gubaabiyay dadka soomaaliyeed inay dalkooda u istaagaan,ka shaqeeyaan sidii dalku u helilahaa nabad xasilooni iyo dawlad shaqaysa waayo hadii aan dawlada la taageerin hade waxba inoo socon maayo,waxaan ku qasbanahay in aan helo dawlad waayo waa aragnay dhibka dawlad la’aanta.waxaan jeclahay in masuuliyiinta soomaaliyeed dadkooda iyo dalkooda u cadaalad falaan kana shaqeeyaan sinaantooda iyo wax wada qabsigooda shacabkuna waa in uu taagero oo dalka daacad loo wada noqdaa si aynu hormar ugaaro iyo han dawli ah.

Qurba joogta soomaaliyeed waxay CabdiBare u rajeeyeen khayr iyo guul waxayna ku farxeen in ay arkaan wadani soomaaliyeed oo had iyo jeer u taagan dhismo dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa kuna shaqaysa sinaan iyo cadaalad iyo in dalkeenu meesha uu maanta yaalo laga qaado oo laysla wada shaqeeyo sikastoo afkaaraha siyaaso loogu kala duwan yahay hadana danta guud halaysugu sabro.soomaali waxay u baahantahay da’yar sidan Xildhibaan Cabdibare ah oo wadani ah.