Xildhibaan Cabdibare Jibriil Iyo Soo Dhaweyntii Goteborg Swedan

Filed under: Wararka |

Xaflad aad u balaaran ayaa Soomaalida ku nool caasimada labaad wadanka Sweden ee Gothenburg iyo nawaaxigeeda ku soo dhaweeyeey Xildhibaan Abdibbare Yusuf Jibril oo safaro ku maraya wadamada dhaca Waqooyiga Yurub. Xildhibaanka Ayaa Khudbad dheer u jeediyey isagoo ku tiig-tiigsaday baahida soomaaliya ay u qabto in Qurbe-joogto dalka dib ugu soo laabataan sidoo kale Xildhibaan Abdi-barre Ayaa ka warbixiyey xaalada Dalka isagoo tibaaxay in baahi loo qabo hogaan caadil ah.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xaflada Casho sharafta ahayd, aqoonyahano,waxgarad,haween iyo dhalinyarada ku nool Sweden gaar ahaan Gothenburg. Dadkii halkaas ka hadlay Ayaa dhamaan muujiyey dareen Soomaalinimo iyo in isku tanaasul la sameeyo kuna booriyey siyaasiyiinta Soomaalida in Soomaaliya ay cagta u Saaraan wadada Horumarka iyo Samato-bixinta.
Ugu danbeyntii Xildhibaan Abdi-barre Ayaa u Mahad celiyey dhammaan dadkii ka soo qeyb-galay.