Xildhibaan Jirde Oo Shgaagay Sababta Ay Soomaaliland Xasilooni Uga jirto ee Aynan Koonfurta Soomaaliya Xasilooni Uga Jirrin (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

xildhibaan jirde
Xildhibaan Cqaadir Jirde oo ka dirsan Golaha Sharci Dajinta Soomaaliland ayaa waraysi uu Siiyay Tv Universal arrimo badan kaga hadlay.
Xildhibaan Cqaadir Jirde ayaa sheegay in ay Koonfurta Soomaaliya xasilooni lagu soo dabaali karro markii ay gacmaha shisheeye gacmaha kala baxaan.

Xildhibaan Cqaadir Jirde ayaa sheegay in aynan jirin wax allaale wax ay Soomaalida waqooyi iyo kuwa koonfureed ku kala duwan yihiin ee kaliya aynan Siyaasadda Soomaaliland qasayn gacmo shisheeye halka siyaasadda Gobalada Koonfureed ay gacmo shisheeye qasayaan.

Xildhibaan Cqaadir Jirde ayaa mar gooni isutaagga Soomaaliland wax laga waydiiyay cadeeyay in dalalka caalamku aynan ogalayn in lakala jaro dad isku qawmiyad ah, oo isku luuqada oo waliba isku diin iyo midabba ah, waayo buu yiri Eriteria iyo koonfur suudaan ayaa caalamku ka shalaayaa sababta looga jaray dalalkii ay ka tirsanaayeen.

Xildhibaan Cqaadir Jirde ayaa ah siyaasi culus oo Soomaalidii hore ee asalka ahayd oo waxwalba aad mooddaa in uu runta ka sheegayo ee aynan caadifidi qaadayn waana dhaqankii Soomaalidii hore lagu yiqiin.

Barnaamijka oo dhamaystiran daawo.