Xildhibaan Surcad oo sharci daro ku tilmaamay xariga Jaamac Deperaani (Akhri Qodabada Dastuurkaa ee uu Xildhibaan Surcad Cuskaday)

Filed under: Important News,Wararka |

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad ayaa ka hadlay waraaqda la sheegay inay kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Mudane Soocadde oo lagu sheegay in shaqada laga joojiyey Wariye Jaamac Dabaraani oo ah Wariye Madax banaan.

Xildhibaan Surcad ayaa sheegay inuusan waraaqda Wasiirka ku arag wax sharciyad ah oo loo cuskaday amarka shaqada looga joojiyay Jaamac Deperani

Wuxuu u sheegay mas’uuliyiinta inay ku dhaqmaan una hogaansamaa dastuurka dalka uyaala oo qeexaya wax dambi noqon kara iyo waxyaabaha aan dambi noqon karin.

Mudane Samatar wuxuu sheegay in qodobka 2aad ee Dastuurka DPL ee ka hadlaya sareynta Sharciga inuu dhigayo dhammaan hay’adaha dowladda iyo Dadweynuhuba inay u hogaansamayaan Sharciga.

“Wasiirka waxaa laga rabaa inuu amarkiisa Sharciga u bandhigo inta uusan amrin, Sababtoo ah Wasiirku isagu sharcigii Maahan ee waa sharci fuliye Sharci Ilaaliye, wariyahana waxaa laga rabaa inuu Sharciga kaliya u Hogaansamo,” ayuu yiri Surcad.

Dastuurkeenu muxuu ka yiri Xaqqa Saxaafadda.

Qodobk 22aad ee Dastuurka DPL

1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ka Madaxbanaan yihiin faragelin dowladeed,waxayna u hogaansamayaan Sharciga oo kaliya.
Waxaa intaas dheer waxaa jira Xeeer layiraahdo Xeerka Warbaahinta oo la ansixiyey, inkastoo ay cabasho xooggan ka keeneen Saxaafaddu hadana isaga ayaa lagu dhaqmayaa inta wax laga badalaayo,wuxuuna nidaaminayaa waxyaabo badan oo aan Dastuurka ku qorayn. Waxaana Dastuurka lagu yiri isla Qodobka 22aad faqradiisa 2aad.
Xeer gaar ah ayaa xadidaya Xoriyadda Saxaafadda.

Xorriyadda Fikirka
Qodobk 14aad ee Dastuurka DPL
1. Qof kasta xor ayuu u yahay Fikradiisa waana soo bandhigi karaa Faafreeb horudhac ahi waa Reeban yahay.
2. Qofku waxaa uu Fikirkiisa ku cabiri karaa Qaab hadal ah,Saxaafadeed,Qoraal,Muuqaal,Suugaan iyo habab kale oo Sharciga iyo Anshaxa Waafaqsan.
Wariyaha ama warbaahin looma ciqaabi karo aragti dad leeyihiin oo ay soo gudbiyeen iyaguna xaq ayey u leeyihiin inay aragti yeeshaan.
Wasiirka Maxaa la gudboon.
Inuu dib ugu laabto Shuruucda dalka meelna uga raadiyo hadduu uu ka helo inuu waraaqda soo hagaajiyo,haddii kalena uu ka laabto Qoraalkaas.
Wasiir Waxaan kale oo kugula talinayaa inaad waraaqo qorista yareyso,haddii kale waxaa khatar ah in waraaqahaagu shaqeyn waayaan,Taasina waxay wax u dhimaysaa Dowladnimadeena.Qor kaliya Waraaqo yar oo Sharci ah.
Wariyaha Maxaa la gudboon.
Inuu sameeyo sida uu faraayo Qodobka 42aad ee Dastuurka DPL
Xaqqa Bandhigidda Cabashada.
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu Cabashadiisa Qoraal ugu diro Madaxweynaha ,Baarlamaanka.Xukuumadda iyo Madaxda kale ee Dalka.
2.Xafiiska uu Qoraalka Cabashadu ku socdo Waa inuu ka jawaabo 30 Bari Gudohood