Xildhibaanka ay kaga baxdo 100$ kun in uu Xildhibaan Noqdo, Wuxuu ku Mashquulayaa Sidii uu lacagtii Ka Baxday U cadaysan lahaaa(Maqaal Cadaynaya in haddii aan la iska qaban aynan Soomaaliya Rajo la ahayn)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Nidaamka ay soomaaliya qaadatay waa nidaam uu sharcigu ka sareeyo shakhsiga, haddiise sharciga la illaaliyo oo lagu shaqeeyo waxaa wanaagsanaanaya habkii loo maamulay masiirkii umadda ka dhexeeyay, waxayna aakhirka umadda Soomaalidu dareemayaan in ay wax wada leeyihii, taasina waxay dhalaysaa in waxaas ay wada leeyihiin ay wada illaashadaan, waxaana sare u kacaya is aaminaada Soomaalida dhexdeeda, waxaana yaraanaya kaalinta qabyaaladda, taasina waxay sababi kartaa in dadku Nabadgalyada dalka si guud uga wada shaqeeyaan, isku so duub waa arrimo badan oo isku xiran marka maqaalkan baan ku falanqaynaynaa ee si fiican u akhri.

Maxaa cadaynaya in xildhibaanka codkiisa ibsanaya uu Iibsaday Masiirkii Qowmiyadda Soomaalida

Nidaamka ama systemka hadda Soomaali ku heshiisay Sharciga ayaa cid walba ka sareeya, dawladuna waxay ku shaqeysaa qodobo dastuuriya oo lagu qeexay dastuurka Soomaaliya ama maaamul Gobaleedyada.

Tusaale. haddii la doonayo in la wanaajiyo adeegga gaadiidka dadwaynaha sida matalan haddii ladoonayo in adeegga gaadiidka basasaska dadwaynaha ay ka ganacsankaraan oo qura shirkado waawayn oo hadda wixii ka danbeeya lama ogala shakhsi kaligiis bas gooni u wata waayo y dawladdu shirkadahaas waawayn canshuur bay ka helaysaa, dad badana shirkaduhu way u shaqaalaysiinayaan oo waliba dadkaas dawladdu canshuur bay ka qaadanaysaa, laakiin ruux garab rarata ah oo aan la aqoon cid u shaqaysa waxba dawladdu ka heli mayso.

Si nidaamkaas iyo fikirkaas wanaagsan uu dalka uga hirgalo, waa in ay Galaha sharci dajintu u sameeyaan xeer qodobaysan adeegga gaadiidka dadwaynaha kadibana xeerkaas baarlamaanku meel mariyo oo dalka oo dhan uu xeerkaas ka dhaqangalo.

Hadaba xiligan aan ku jirno Soomaaliya dhamaaneed macaa Somaliland xeerkaas wanaagsan oo kale kama dhaqan gali karo, waayo xildhibaanada baarlamaanka fadhiya waa xildhibaano aan shacabka u shaqayn ee jeebkooda u shaqaysta, waxayna meel mariyaan kaliya xeerarka lacagta lagu meel mariyo, oo matalan xeerkaas wanaagsan oo kale qoladii doonaysa waa in ay wataan lacag ugu yaraan illaa 200 oo kun oo doolar, oo hadhow marka xildhibaanadu xeerkaas meel marinayaan lacagtaas lagu laaluusho xildhibaanada.

Intasi waa tusaalaha ugu yar wali ma aanan taaban tusaalooyinkii waawaynaa.

  1. Xildhibaanku sidiisaba waxaa lowgu yeeraa sharci dajiye (low maker), maadaama dalku sharci ku shaqeeyo, xildhibaanku waa ninkuu sharcigii shacabka masiirkooda illaalinay kii ugu haboonnaa dajinayay oo marwalba dib u eeguid ku samaynayay.
  2. Xildibaanku waa ninkii Madaxwaynaha Soomaaliya ku habboon dooranayay oo xildhibaanka daacada ah waa ninkii Madaxwaynaha saxdaa Soomaalida u soo xulayay.
  3. Xildhibaanku waa ninkii la xisaabtamayay Madaxwaynihii shaqadiisa gudan waaya oo la rabay in uu eryo madaxwaynaha shaqadiisa gudan waayo ama aan kartida u lahayn iyo aqoonta, waayo meeshaan umad masiirkaad baa yaal ee Hebel ma yaal, ama hebel loo danayn maayo ee Masiir umad malaayiin ah ayaa loo danaynayaa.
  4. Xildhibaanku waa ninkii miisaaniyadda iyo dhaqaalaha illaalinayay, illaaninayay shaqooyinka wasaadaha iyo xukuumadda shaqadeeda oo idil.

Haddii marka xildhibaankii sidaas uu muhim u yahay, oo ay cadahay in uu xildhibaankii hayo masiirkii umadda soomaalida, hadana Soomaalidii oo indhahoodu shan yihiin xildhibaankii codkiisa suuqa maalin walba lagu kala iibsanayo, isla markaasna uunan jirin shiikh iyo shariif toona hal ruux oo arrinkaas ka hadlaya, ama oranaya war aan iska qabano qolooyinka masiirkeenii dhamaa shilimaadka siisanaya.

Haddii aan si fiican looga hortagin xildhibaankaan ama musharaxaan iibsanaya masiirkii umadaan masaakiintaa ee badaha ku dhamaatay, yaan la sugin wax dawlad wanaag ah.

Xildhibaanka marka hore lacag ku iibsada noqoshada xildhibaan nimda oo ay uga baxdo illaa 200 oo kun oo doolar, wuxuu ku khasban yahay in uu uu lacagtii siduu uu usoo ceshan lahaa falan keeda gallo, si marka uu lacagtii ka baxday u cadaysto waa in taageero madax musuq maasuq ku shaqaynaysa oo marna ma yeelayo madaxwayne iyo Gole xukuumad cadaalad ku shaqaynaya waayo lacagtii ka maqnaynd buunan helayn haddii si daacada loo shaqeeyo.

Marka wuxuu ka billaabayaa in uu lacagta ugu yaraan kala bar kasoo cesho Musharaxa uu dooranayo, inta kalena hadhow ayuu wax ka abuubulayaa Mooshin Madaxwaynaha ama Raysalwasaaraha lagu ridayo, si markaas uu codkiisa hadana u iibsado oo intii ka dhimanayd uu halkaas uga saxo.

Wuxuu kaloo lacagta ka raadinayaa xeerarka muhiimkaa marka la ansixinayo sida xeerkii aan kor kusoo sheegay.

Isku soo duub xukuumaddaas waxay afarta sano ku dhamaysanaysa Madaxwayne cadaysanaya lacagtii ka baxday, iyo lacagtii uu ku gali lahaa doorashada soo socota.

Raysal wasaare meel sii dhiganaya lacagtii uu doorashada soo socota ku galilahaa.

Xildhibaan cadaysanaya lacagtii kaga baxday markii uu xildhibaanka noqday, iyo waliba lacgtii uu ku noqonlahaa xildhibaan doorashada soo socota.

Dadka ay soomaalidu dawladniamda ka sugayaan waaba dad wada mashquula.

See arrimahaan looga hortagi karaa.

Kaliya waa in ay shacabku meel ay joogaanba banaanbaxaan oo aynan seexan ee ay u kacaan sidii ay isaga qaban lahaayeen shakhsiyaadkaan kooban ee masiirka shacabka kala iibsanaya.

Waana in xeer laga soo saaro wixii laga yeeli lahaa Xildhibaankii, Isimkii, Musharaxii lagu qabto isagoo haba yaraatee isku dayaya in uu iibsadao codka xildhibaanka waaa in ugu yaraan 15 sano oo xariga lagu xukuma, hadduu musharax ahaan lahaa ama madaxwayne ahaan lahaa ama isim ahaan lahaa, waayo Soomaaligu waa baqaa ee ma xishoodo.

Siyyaasigu arrinkaan waligiis ka hadli mayo, xildhibaanku waligiis ka hadli maayo, isimka lacagta ku qaata waligiis ka hadli maayo, waxaa laga rabaa in ay shacabku ka dhiidhiyaan si ay masiirkooda u illaashadaan waayo siyaasiga maanta waa nin dantiisa illaashanaya ee waa shacabka waxa dulman oo laga rabo in ay hurdada ka kacaan

Si kooban u diyaariye

Ibrahin Sh Mohamed Gablax gablax@yahoo.com

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (dib u Akhri warbixin muhima)