Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waligaya kuma baahino warbaahinta Puntlandobserver war aan xaqiiq ahayn.
Sideedaba waxaa loo baahanyahay in waxwalba runta laga sheego, runtana lagu dhaqmo oo la iska daayo hiyikaca iyo khiyaaliga.

Aduunka oo dhan xildhibaan waxaa lagu soo doortaa hanaanka constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed Akhri qormadaan si aad u fahanto constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed

Hadaba laga soo billaabo xukuumaddii Cabdiqaasin iyo tii Cabdullaahi Yusuf, waxaa soomaalida laga dhaadhiciyay qorshe lowgu talagalay in dalkooda lagu iibsado balse aynan Soomaalidu xigmadda ka danbaysa marna garan karrin.

Qorshahaan waa qorshe la leeyahay 4.5 oo aan ugu yeernay xildhibaanka Hawada (Xildhibaanka hawada waxaan ula jeednaa xildhibaan aynan jirrin deegaan uu si dhaba u matalo, ama tuulo aynan haddii la xisaabtamo hal xildhibaan ka soo baxeen oo 5 xildhibaan loo qoondeeay isku soo duub Xildhibaan beenaad.
Umadda masiirkooda waxaa lagu aaminaa xildhibaanka oo xildhibaanku waa xeer dajiyihii waana ninkii Madaxwaynaha dooranayay lana xisaabtamay, hase yeeshee xildhibaan nooca loo yaqaan xildhibaanka hawada ee aan wax deegaana matalin, waa ay fududahay in dalkaan lagu iibsado, waayo dalka waxaa qadiyadiisa ka naxaya dadka deegaanka u badan ee aan awal horay siyaasadda dalkaan horay lowgu ciillin.

Ujeedkaygu waxaa weeye xaqiiqda yaan laga tagin oo qolana la dulmin, ee xildhibaanku waa in uu deegaan ay ku noolyihiin ugu yaraan 40 kun oo qof uu matalaa, oo uu ku dhexnoolaa dadkaas iyaga ah, ee aanu xitaa qurbaha ka iman waa sharci daro nin dalkale muddo dheer ku noolaa in uu inta hawada ka yimaado matalo dadka deegaanka ku nool, ugu yaraan calaa aqali waa in uu ugu yaraan 2 sano ku dhex noolaa oo uu aad ula socdo xaaladooda.

Hadaba beelaha laga tira badanyahay hadday 40 kun helikaraan waa in ay hellaan inta dadkooda oo xildhibaan, waxaa lasheegaa in beesha Jareer Wayn ay yihiin dad farabadan waxaana wanaagsan in aan xaqooda la duudsiin ee inta ay tira le’egyihiin oo xildhibaano ah la siiyaa, waayo markaas runtaad sheegtay oo xaqiiqdii baad wajahday.

Waxaana xaqiiqa haddii beelaha Jareerwayn ay yihiin dad farabadan oo dalka degan in ay dalka u naxayaan oo ka dagaalamayaan wixii dalka wax u dhimaya, waxaase daran Xildhibaan aan deegaankiisa matalin in uu hawada xildhibaan ka noqdo, runtiina masiir umadeed laguma aamini karro xildhinaanka hawada.

Dhanka kale beelaha digil iyo Mirifle intooda degan Bay Iyo Bakool ayaa waxaa la yiri waxay la tiro yihiin Beelaha Daarood, arrinkaas ayaa qofwalba ogyahay in aynan xaqiiq iyo wax u dhaw ahayn, waayo dadka tiradooda waxaa lagu gartaa baaxadda deegaanka ay degaan.

Si kastaba ha ahaato hadda wixii ka danbeeya waxaa wanaagsan iyadoo aan cidna la dulminayn in xildhibaanku ku yimaado constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed, waliba markaan lagu dooranmayo qabiil ee waxaa lagu dooranayaa mabda iyo hadafkiisa siyaasadeed.

6 Responses to Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Marlabaad Akhri Xildhibaanka Hawada Waa Qorshe Dadka Deegaanka Soomaalida Degan Dhulkooda Lagu Dhacayo (Qormo Gaaban) | Puntland Observer