Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71 (Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun, Dad Muslim sheeganaya Ayaa Laayay Dadkaas Masaakiintaa)

Filed under: Wararka |

Dad caawinaya dadkii ku waxyeelloobey qaraxii ka dhacay aagga Zoobbe, Oct 14, 2017
La Wadaag
Arag Fikradaha
Print
Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Abshir Bukhaari ayaa warkaasi si kala gooni gooni ah u sheegey.

Sidoo kale Isbitaalka Erdogan, (Ex Digfeer) waxa la geeyay 207 ruux oo dhaawacyo qaba oo 127 ruux oo ka mid ah aanan ehelladooda wali u imaan. Waxa isbitaalkaasi ku dhintay 11 ruux.

Xildhibaannada Baarlamaanka waxay sheegeen in mas’uuliyiinta cisbitaalku ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.

Ambalaasyada Amiin waxay sheegeen inay qaadeen in ka badan 250 dhaawac ah oo ay kala geeyen cisbitaallada magaalada, waxay sheegeen in ambalasyadoodu qaadeen 75 maydad ah.

Source Voa Somali