Ximan Iyo Xeeb Oo Kasoo Horjeesatay Xasan Sheekh

Filed under: Wararka |

Shir ballaaran, ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Cadaado kaga soconaya Madaxda Maamulka Ximan & Xeeb, Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka deegaanka, waxaana kala qaybgelaya Xildhibaan Maxamed Cali Abtidoon, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha Maamulka Ximan & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) oo ka hadlaayay shirkasi, ayaa wax khalad ah ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu Caasimadda Maamulka Gobolada Dhexe u aqoonsado Magaalada Dhuusamareeb.

“Waa arrin khalad ah in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb ku tilmaamo inay tahay Caasimaddii Maamulka Gobolada Dhexe, waana wax meel looga dhacay dadka deegaanka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Ximan & Xeeb.

“Waa wax is dul saaran Calanka, Caasimadda iyo Madaxweynaha imaan doono ee Gobolada Dhexe, waxaas oo dhan waxaa shaqo ku leh ergada wax dooraneysa iyo Odayaasha Dhaqanka. Haddii Caasimaddii uu Madaxweynaha iska magacaabay, ergada maxay hadhow qaban doontaa? Shaqadoodii ayuu qabtay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

“Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ergadeeda ayaa dooratay Caasimadda, Calankii la qaadan lahaa iyo Madaxweynaha. Madaxweynaha Somaliya wuu ku deg degay magacaabidda Caasimadda, waana ka soo horjeednaa.” Ayuu sii raaciyay Baarleex.

Madaxweynaha Somaliya oo Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee Dhuusamareeb isugu tagey kulan la qaatay, ayaa wuxuu maanta kaga dhawaaqay in Magaalada Dhuusamareeb ay noqon doonto xarunta Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe lagu qaban doono Cadaado, isla-markaana uu furmaayo 11-ka bishan, oo Sabtida ku beegan.