Xog: Cali Khaliif oo Hadda Sii Diyaarsaday Malaayiin Uu Ugu Talagalay Ku Shubo (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

ku shubo
Maadaama bulsashadii Soomaaliyeed ay baahi xun soo wajahday, Khiyaamo Khaatumo Cali Qooto Qooto oo horay usoo noqday Raysalwasaraha Soomaaliya ayaa ay sheegayaan warar P/O si hoose u soo gaaray in uu hadda Cali diyaasaday in uu ku dagaal gallo khidadda hadda soomaaliya ku soo biirtay ee loo yaqaan KUSHUBO.

Kaliya waxaad samaynaysaa nimanka hadal yahankaa ee beesha kasoo jeeda ayaad jeebkooda xooggaa lacaga ku shubanaysaa, kadibna adiguu kuu hadlayaa sida aad jeceshahay ayuu kuu oranayaa.
Sidoo kale websiteyada Cali Khaliif ayaa qudhooda lacago farabadan lagu shubanayaa si ay iyana u sheegaan waxa cali jecelyahay.

Cali Khaliif khidadaan ku shubo wuxuu bartay intii uu ahaa Raysalwasaaraha oo wuxuu barigaas ku shubanjirtay xooggaa lacaga kooxdii Jaamac Cali Jaamac.

Hadana si fiican buu muddo ugu shaqaysanayay nidaamka ku shubo oo hada Cali wuxuuba fahmay in aan loo baahnayn wax kale kaliya lacag baad meel walba ku shubanaysaa, hadana waxaaba la sheegayaa in ay kooxa ajaaniba hadda Cali akoonka lacago ugu shubayaan.

Oo Cali qudhiisa waa lagu shubtaa, oo dhanna wuxuuba ku biirayaa kooxihii ay Somaliland ku shuban jiray, dhanna waxaa ku shubta qolooyin ajaaniba oo mandaqadda dan gooniya ka leh

Marka dalkii Soomaaliya la oran jiray hadda waxaa ka socota ku shubo.