Xog: Dilkii Mahdi Cagawayne Wiilkii Yaraa ee Shalay Galinkii Danbe Lagu Dilay Wadada U dhaxaysa Gaalkac iyo Cagaaran

Filed under: Wararka |

mahdi cagawayne
Innaa Lilaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun Alle ha u naxariistee waxaa shalay galab makhribaddii wadada u dhaxaya Cagaaran iyo Gaalkacyo ay qolooyin shufta ah ku dileen wiil yar oo lagu magacaabo Mahdi Cagawayne oo gaari watay.
Mahdi Cagawayne ayaa aad caan uga ah magaalada Gaalkacyo wuxuuna kamid ahaa ardadii Gaalkacyo waxkusoo baratay.

Illaa hadda kama soo bixin warbixin dhamaystiran qolooyinkii falka waxashnimo gaystay.
Wiilkan yar ayaa kasoo jeeda deegaan ahaan degmada Jariiban.

Aaga wiilka yar lagu dilay ayaa waxaa ku sugan reer guuraa usoo naq raacay dhanka Puntland, waxayna u badantahay in lala xiriirinayo dilka wiilka reer Guuraagaas ama ha noqdaan qolooyin doonaya in ay xasarad abuuraan oo ujeedooyin gooniya ka lahaa ama cidkale ha noqoto.

Wali lama hayo warbixin dheeriya.
Lasoco wixii soo siyaada.