Xog Hoose: Yaa Ku lug leh Khilaafka Isimada Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Xog si hoose usoo gaadhay warbaahinta Puntlandobserver ayaa sheegaysa in khilaafka Isimada Puntland ay lug ku leedahay siyaasadda hanaanka doorashooyinka, maadama hadda lagu jiro xili doorashooyin badan soo socdaan.

Waxaana warar hoose ay sheegayaan in uunan khilaafkan mid cusub ahayn ee ahaa mid soo bilowday xiligii xukuumaddii Faroole, waliba xiligii ay isimadu ku kala arragti duwanaayeen xiligii Faroole sanadka ku darsaday.

Waxayna wararka nasoo gaarayaa ay sheegayaan in taageerayaashii Faroole ay baryahaan wadaan olale siyaasadeed oo ay ku doonayaan in ay gacanta ku dhigaan xildhibaanada Puntland ee doonaya in ay federaalka xilhibaano ka noqdaan maadaama uu Faroole hadda Musharax yahay.

Arrinkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu lug ku leeyahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta isimada Puntland.

Dhanka kalena waxaa iyana isa soo taraya tuhun farabadan oo dhanka taageerayaasha Faroole ay baryahaan si hoose u wadaan oo la xiriira kala qoqob siyaasadeed oo laga hurinayo caasimadda Puntland.

Waxaana marwalba wanaagsan in aan siyaasiyiinta danaha gaarkaa leh loo madaxbanayn siyaasadda guud ee dalka, oo siyaasiyiinta danaha gaarkaa leh marwalba laga hor mariyo danta guud ee shacabka.

Siyaasiyiinta ayaa shacabka isticmaala xiliyada ay danaha gaarkaa leeyihiin

5 Responses to Xog Hoose: Yaa Ku lug leh Khilaafka Isimada Puntland

  1. Pingback: Xog Hoose: Yaa Ku lug leh Khilaafka Isimada Puntland - Daily Somalia Report