Xog Khidmadda Ay Shirkadaha Dp-World (Berbera-Boosaaso) Iyo Turkigu(Muqdisho) ka Qaataan Neef Kasta (Maxaase Ka Jira In Siilaanyo 8% La Siinayo Tan Berbera)

Filed under: Important News,Wararka |

Maalmahaan waxay Soomaalidu aad ugu soo baraarugeen hal mar in dalkii uunan gacan ugu jirrin, oo waxwalba ay shirkado ajaaniba la wareegeen.
Dhegeyso Agaasimaha Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo ka warbixiyay khidmadda ay dp-World kusoo kordhisay Dekadda Boosaaso.

Shaxdaan hoose waa kirada doonyaha alaabaha kasoo rara Dubai iyo Cummaan, lacagta ay ku darsadeen malaha waa lacagaha khidmadda ee ay Dp_wold ku kordhiyeen.
CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha).
DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha)
Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ).
DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha).

Shaxdaan hoose waa khidmadda ay shirkadaha Dp-World(Beerbera-Boosaaso iyo Turkiga (Muqdisho ka qaadaan halkii tan ama halkii Neef)

khidmadda Dp-World

Warar si hoose p/O usoo gaaray ayaa sheegaya in Siilaanyo uu shirkadda Dp-World ku heshiiyeen in isaga si khaasa 8% akoonkiisa lowgu shibi doono khidmadaha ay dp_world barbera ka qaadi doonaan.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in shirkadda Turkiga ee dekadda Muqdisho maamusha ay sidaas si lamida Xasan Sh lacag 10% khidmadda dekadda muqdisho akoonkiisa ugu shubaan –> (Afeef wararkaan ma ahan xaqiiq, waa wararka suuqa)

Dhanka kale waxaan maqalnay in shirkadda Jubba-airways, ay laaluushto madaxda Puntland, kuwa Somaliland iyo kuwa Muqdisho, waana sababtaas sababta aynan Jubba-airways marna qiimaha tigidhka u dhimin isla markaana aan jaannis loo siin in ay shirkado kale kula tartamaan , waayo waxaa faa-iido ku qaba madaxda qudhooda.

Isku soo duub Soomaali waxaa laga kariwaayay war qabiilka iska daaya, oo joojiya qabqable daniista ah oo aad qabiil ku taageerto, ee taas badelkeeda xaqa iyo cadaaladda iyo in wixii fidna wada la diriro halaga dhigo numbar 1.