Xog: Maraykanka Oo Ku-bixiya Saldhigga Military ee Jabuuti 63 million iyo 70 million caawin, china isna 100 million sanadkii, halka Sacuudiga, Japan, France, Spain iyo Qaarkale ay iyana Lacag baxshaan

Filed under: Important News,Wararka |

djabouti
Dalka Jabuuti ayaa 7 dal oo dalalka ugu qanisan caalamka ka kireeyay saldhigyo military.
Sida ku qoran warbixi ay bbc diyaarisay, Jabuuti sanadkii maraykanka waxay ka qaadaa 63 million$/sanadkiiba oo kiro ah, iyo 70 million$ oo caawimaad ah, waxaana uu Maraykanku ciidankiisa jabuuti ku kharash gareeyaa sanadkii 1400 million$.

China ayaa iyana looga kireeyay saldhigga Jabuuti ay ka samaysteen 100 million$/year sanadkiiba iyadoo ay china sidoo kale lacago badan oo caawimaada siiyaan jabuuti.
Dhanka kale dalalka Saudi arabia, Japan, Framce, Spain, iyo dalkale oo aanan hadda xasuusan ayaa iyana laga qaadaa lacagahaas lacago u dhigmo.
Dhanka kale Jabuuti ayaan ka kirayn wax aan ka badnayn 10 sano dalalka ay siinayaan saldhigga military.

Akhri warbixinta oo english ah

Halkaana ka akhri doorka sacuudiga iyo burburinta soomaaliya qormooyin

Hadaba Somaliland ayaa imaaraadka saldhig dhul aad u baaxaadwayn uga kiraysay 1,2 million$ sanadkii, halka hadana heshiiska lalagalay uu dhanyahay 25 sano.

Siyaad Barre ayaa isla saldhigaas maraykanka ka kireeyay oo sanadkii kaga kireeyay aduun dhan 100 million sanadkii iyo caawimaad badan oo dheeriya oo kaba badnayd 100 million sanadkii iyana.

Burburkii qaranka soomaaliya Soomaaliya waxay noqotay xaraash iyo xoolo jaban

Halka Dumarka Soomaalidana looba baxshay cheap and clean.

Dad badan baa aaminsan 1991 sababta soomaaliya loo burburiyay in ay ahayd in la dhaco dalkooda waxaa xiligaas diyaar ahaa Mashruucii kororntada ee Faanoole, mashruucii batroolka, mashaariicdii kaluunka, kuwii warshadaha iyo kuwii beeraha.

Hadda badda Soomaaliyaa kaluunkeedaa billaash baa lagu gurtaa.
Saldhigii barigaas maraykanku 100 million ku dhiibi jiray waatan hadda inta dhanka Imaaraadka lasoo maray lagu iibsaday 1.2 million.

Waxaan arkaynay shirkaddii Somoil siday isugu dayaysay in ay har cad boobto batroolka.

Halkaan ka eeg arragti aan ka qornay arrinkaan
Dekadda Berbera Nimanka Soomaaliya Qabsaday Oo Soo Huwaday Shaar Imaaraadka Ayaa Saldhig Ka samaystay (Qormo gaaban )

Faanoole wali fari kama qodna
Sooto iskaalo

Afeef ujeedka aan wararkaan usoo daabacnay waa in ay gacmaha shisheeye qaybtooda xumaanta soomaaliya ka daayaan oo qaybta wanaagga noo furaan si aan qaran u dhisano, waayo Soomaalidu muddo 30 sano ah bay billaa qaran yihiin oo aynan lahayn baasaboor, lacag, iyo dhammaan xuquuqda ay bini aadamka kale dunidan illaahay ku haystaan, waana in la iftiimiyo faragallinta shisheeye kuwooda thunku soo galo

One Response to Xog: Maraykanka Oo Ku-bixiya Saldhigga Military ee Jabuuti 63 million iyo 70 million caawin, china isna 100 million sanadkii, halka Sacuudiga, Japan, France, Spain iyo Qaarkale ay iyana Lacag baxshaan

  1. Pingback: Cadayn In Soomaaliya Si Loo boobo Muddo laga Shaqaynayay Burburinteeda. | Puntland Observer