Xog-Suldaan Godo-Godo:Imaaraadka-Carabta oo 15-Malyan oo Doollar ugu deeqay Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

suldaan godo godo

Dawladda Imaaraadka-Carabta iyo Shirkadda Dubai-Port ayaa 15-Malyan oo Doolar ugu deeqday Dawladda Puntland,waxaana la filayaa lacagtan qaar ka mid ah in  loogu deeqo Garoonka Garoowe,Wadada dhismaha Ceeri-gaabo-Ceeldaahir,Wadada Garoowe-Eyl,Wadadda Gaalkacyo-Garoowe.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa maanta ku dhawaaqi-doono,qeybo ka mid ah lacagta Imaaraadka-Carabta Shacabka Dhul-Udug ugu deeqay,inuu 4-Malyan oo Doolar ka mid ah ku wareejin-doono Shirkadda dhisaysa Garoonka Garoowe oo lacagtii ku kala go*day.

Sidii kale 1-Malyan oo Doolar oo deeqda ka mid ah,ayuu ku wareejin-doonaa,Gudiga dhisaysa Wadada Ceerigaabo iyo Ceel-Daahir.

Bilaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa,lacagaga Imaaraadka ugu deeqay Puntland,in Mashaariic loogu fulin-doono,Wadadda Garoowe-Eyl iyo Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

Waxaa xusid mudan Haweenaydda caanka ah ee Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen oo loo yaqaan(Iron-Lady)inay Imaaraadka-Carabta ka soo dhamaysay Aduun-gaaraya 360-Malyan oo Doolar in lagu dayactiro Dekedda Boosaaso,halka 15-Malyan oo Doolar oo hormaris ah durba lagu wareejiyo Puntland,oo Mashaariicdii ugu horeysay Garoonka Garoowe iyo Wadada Ceerigaabo-CeelDaahir maanta ku wareejinaysa 3-Malyan oo Doolar,si loo dhameystiro Mashruucyadan,inkastoo Mashruuca Ceerigaabo iyo Ceeldaahir u baahan-yahay lacaggo fara-badan.

Baaqiga lacagta soo hartay ee 10-Malyan oo Doolar,ayaa lagu shubi-doonaa Akoon Madaxtooyadda Puntland u gaar ah,waxaana la filayaa Mashaariicda kale ee baaqiga ah in lagu dhameystiri-doono.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

One Response to Xog-Suldaan Godo-Godo:Imaaraadka-Carabta oo 15-Malyan oo Doollar ugu deeqay Puntland