Xog Xasaasiya:Dagaalka Shabeelada Hoose iyo Saamaynta Beelaha Biyamaal, Habargidir, Alshabaab, Amisom, DFS, Koonfurgalbeed

Filed under: Wararka |

Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ah wariyaha diyaariyaha barnaamijka todobaadka iyo Toronto ee Somalicable Toronto .
Hadaba Garyaqaan Abuukar Geetaanlow oo kasoo jeeda beesha Biyamaal isla markaana aad ula socda dagaaladan ka socday mudada shabeelada dhexe ayaa ka warbixiyay xaaladda marka oo hadda uu dagaal ka socdo.
Geetaalow ayaa sheegay in beesha Biyamaal ay alshabaab la dagaalammeen.
Geetaalow wuxuu sheegay in Amisom ay ka dagaalamikarraan oo qura Laamiga dhexe, balse aynan kaymaha ka dagaalami karrin, sidaas la ajligeed ay Amisom hubaysay beesha Biyamaal, dhanka kalena ay beesha habargadir ku dagaalammeen gacan ku haynya shabeelada hoose, balse markii danbe ay alshaabaab iyo Habargidir heshiiyeen oo isku dhinac noqdeen.
Geetaalow ayaa sheegay in xukuumaddii xasan sh ay hubbaynjirtay beesha Habargidir, balse xukuumadda Farmaajo rabto in Alshabaab laga saaro Gobalka balse aan saraakiishii Xasan Sh Waxba isbadel ku samayn.
Geetaalow ayaa dhaliilay isku day dawladda xukuumadda farmaajo isku day dib u heshiisiin Biyamaal iyo Habargidir balse dhaliilay in Indhacade madax looga dhigay.
Hoos ka daawo.

One Response to Xog Xasaasiya:Dagaalka Shabeelada Hoose iyo Saamaynta Beelaha Biyamaal, Habargidir, Alshabaab, Amisom, DFS, Koonfurgalbeed

  1. Pingback: Beesha Habar-Gidir Iyo Dhacdadii Bariire (Qormo Iyo Maqaal Cadaalad Darada Aad Samayso Haddii Aan Adiga Lagaa Jarrin Ubadkaagay saamaysaa) | Puntland Observer